Fowzia xaaji oo iska fogeysay eedeynta QM

Image

Kadib markii kooxda QM u qaabilsan cunaqabateynta saaran dalka Somalia ay eedeyn culus dusha uga tuureen Madaxweynaha dowlada Federaalka ah iyo xafiiskiisa, Wasiiradii hore ee arrimaha dibada Somalia Fawzia Yusuf  iyo shirkad wadanka Mareykanka laga leeyahay iney qorsheynayeen sidii loo dhunsan lahaa hantida wadanka Halkan ka akhri ayaa waxaa ka jawaabey xubin ka tirsan xukuumadii hore ee Ra'isal wasaare Saacid.

Fowzia Yusuf Xaaji Aadan oo ahaan jirtey wasiirkii hore ee arrimaha dibada ayaa shir jaraa'id oo ay ku qabatey maalintii shaley 17 July, 2014 Muqdishu ayey iskaga fogaysay eedahaasi iyadoo ku tilmaantey kuwa magaceeda lagaga dilayo.

Dhinaca kale waxay sheegetey iney kamid aheyd dadkii keeney gudoomiyihiii hore ee banagiga dhexe oo is-casiley yusur Abaraar.

Fowsiya ayaa tilmaamtay inay dacwad kusoo oogi doonta madaxa kooxdan eegaya cuno-qabaynta Soomaaliya iyo Elatariya QM saartay waxayna muujisay in dano gaar ah falkan laga lee yahay

GAROWE ONLINE+WAKAALADAHA

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Xamse oo ogolaadey hub loo diray Laascaanood, xilli cabsi laga qabo dagaal

Arrintan ayaa sii hurinaysa khilaafka sii fidaya ee u dhexeeya maamulka Puntland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    06-07-2025

  • 01:50PM

Ciidamo gadood ka sameeyay Muqdisho iyaga oo ka cabanaya mushaar la’aan

Dhacdadan ayaa muujinaysa heerka ay gaarsiisan tahay niyad-jabka iyo tabashada gudaha ciidanka dowladda.

  • Soomaliya

    06-07-2025

  • 01:14PM