Fulinta qorshaha sugida amniga Muqdisho oo laga shiray

Image
Gudoonka gobolka Banaadir iyo taliska ATMIS ayaa qadiyadan ka yeeshay kulan gaar ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya, ahna Madaxa howlgalka (ATMIS) ee ciidanka Midowga Afrika ka jooga Soomaaliya Danjire Maxamed Al-Amiin Souef.

Kulanka dhex maray Duqa Magaalada Muqdisho iyo Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa loogu hadlay xoojinta wada shaqeynta Maamulka Gobolka Banaadir iyo Howlgalka ATMIS, sidoo kale fulinta Qorshaha sugida Amniga Caasimadda iyo guud ahaan howlgalada ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta ee ka socda dalka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ku ammaanay Midowga Afrika (ATMIS) doorka ay ka qaateen horumarka iyo Ammaanka Soomaaliya, iyagoo u huray dhiigooda iyo Naftooda.

Danjire Souef ayaa xusay in ATMIS ay sii wadi doonto taageeradooda ku aadan ciribtirka Khawaarijta iyo dardargalinta howlgalada ka socdo dalka, asigoona shacabka Soomaaliyeed ku amaanay garab istaaga howlgalada ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta ee ka socda dalka, taasi oo keentay in Ciidamada Xooga dalka ay guulo waaweyn gaaraan.

Ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa howlgalka (ATMIS) ayaa sheegay in ka hor December 2024 oo xilliga u qorsheesan in ay soo gaba-gabeeyaan howlgalkooda Soomaaliya, ay ka go’an tahay in Bulshada Soomaaliyeed ee kala shaqeeyaan Amniga iyo Barnaamijyada horumarinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo ka digay cawaaqibka ka dhalan kara tallaabo militari oo lagu qaado mucaaradka

Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale diiddan in doorashooyinka dalka loo wajaho hannaan aysan dhammaan dhinacyada siyaasadeed isku raacsanayn.

  • Soomaliya

    11-10-2026

  • 08:32PM

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM