Gaari ay leedahay ATMIS oo ku gubtey qarax ka dhacay Muqdisho

Image
Ugu yaraan saddex qof oo haween ah ayaa lagu waramay in ay ku dhaawacmeen falkan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan saddex haween ah ayaa ku dhaawacantey qarax Isniinta maanta ah ka dhacay isgoyska KM4 ee caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, sidda ay xaqiijiyeen dhinaca caafimaad.

Illaa haatan, si dhab ah looma ogga waxa uu ka dhashay qaraxa oo dhacay xilli ay goobta marayeen kolanyo ka tirsan ciidamadda howlgalka ku meelgaarka ah ee Midowga Afrika [ATMIS].

Sawirro iyo muuqaallo laga helay meesha ay wax ka dhaceen ayaa muujiyey dab qabsadey mid kamid ah gaadiidka ATMIS gaar ahaan nooca loogu talagalay in ay qaadaan sahayda ee qeybta dambe ka furan.

"Haweenka dhaawacyada fudud ay soo gaareen waxay ku waxyeeloobeen holaca baabuurka oo sii fiday markii uu shidaal ka daatay gaariga," ayuu yiri sarkaal ka tirsan booliska oo warbaahinta ka hadlay.

Sarkaalkan oo ka gaabsadey in uu ka horudhaco waxa uu ka dhashay qaraxa ayaa carabka ku dhuftey in booliska uu baaritaan ku bilaabay qaraxa isla markaana natiijadda lala soo wadaagi doono dadweynaha.

Ma jirto koox illaa haatan dusha saaratay mas'uuliyadda falkan. Balse, Al-Shabaab ayaa horey u beegsatay kolanyo ay leeyihiin ciidamadda ATMIS iyo askarta dowladda federaalka Soomaaliya.

Taliska ATMIS ayaa todobaadkan u dabaaldegay sanad-guuradii koowaad ee kasoo wareegatay tan iyo markii laga badalay magaca AMISOM taasoo ka dambeysay markii loo muddeeyay in ay baxaan December, 2024.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo Saraakiil Ciidan kula shiray Baydhabo

Shirka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga iyo isku-duwidda hay’adaha amniga si loo xaqiijiyo nabadgelyo waarta.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:55AM

Dowladda oo billowday bixinta kaararka codbixinta doorashada xili uu jira khilaaf

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ku adkaystay in doorashadu ay dhici doonto waqtigeeda.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:04AM