Gabadhii la hilmaami waayay: Faadumo Yuusuf Cawil

Image

LAASCAANO, Soomaaliya - Duqeymaha aan kala joogsiga ee sideedii bil ee lasoo dhaafay ciidamada Somaliland ay ku wadeen Laascaanood ayaa galaaftay nolosha boqolaal rayid ah kuwaasi oo la diiwaan-geliyay in ka badan 500 oo qof.

Faadumo Yuusuf Cawil ayaa kamid ah dhibanayaasha aanay taariikhdu marna hilmaami doonin iyada oo duubaysa Madfac ciidamada Somaliland ay gurgooda kusoo garaaceen ayaa mid kale ku dhacay halkaasi ayayna ku geeriyootay.

Tan ayaa kamid ah dhacdooyinka lagu tilmaamay kuwo aan Soomaali horey uga dhex dhicin balse laga diiwaan geliyay Laascaanood iyada oo ay ka qaxeen mudadaasi magaalada rayid kor u dhaafacaya labo boqol kun oo qof.

Dowlada federaalka Soomaaliya iyo Hay'addaha caalamiga ah ayaan wali baaritaan rasmi ah ku bilaabin dhacdooyinkii Laascaanood iyada oo ay suurtagal tahay in maamulka SSC-Khaatumo uu dalbado baaritaan caalami ah oo madax banaan walaw ilaa hadda aysan iyagu ku dhawaaqin.

Masuuliyiin ka tirsan golaha sare ee dhaqanka SSC-Khaatumo ayaa horey tilaabadaas uga dhawaajiyay walaw aan la ogayn wakhtigeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka digay qorshaha Israel ka damacsan tahay Somaliland

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Muqdisho ay la xiriirtay bulshada caalamka, oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 12:41PM

Xasan Sheekh oo u safraya Saudi Arabia xilli ay isbeddelayaan xulafada Soomaaliya

Sidoo kale, booqashadan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo dowladda Soomaaliya ay si cad u taageertay mowqifka Sacuudi Carabiya.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 09:23AM