Gabadhii la hilmaami waayay: Faadumo Yuusuf Cawil

Image

LAASCAANO, Soomaaliya - Duqeymaha aan kala joogsiga ee sideedii bil ee lasoo dhaafay ciidamada Somaliland ay ku wadeen Laascaanood ayaa galaaftay nolosha boqolaal rayid ah kuwaasi oo la diiwaan-geliyay in ka badan 500 oo qof.

Faadumo Yuusuf Cawil ayaa kamid ah dhibanayaasha aanay taariikhdu marna hilmaami doonin iyada oo duubaysa Madfac ciidamada Somaliland ay gurgooda kusoo garaaceen ayaa mid kale ku dhacay halkaasi ayayna ku geeriyootay.

Tan ayaa kamid ah dhacdooyinka lagu tilmaamay kuwo aan Soomaali horey uga dhex dhicin balse laga diiwaan geliyay Laascaanood iyada oo ay ka qaxeen mudadaasi magaalada rayid kor u dhaafacaya labo boqol kun oo qof.

Dowlada federaalka Soomaaliya iyo Hay'addaha caalamiga ah ayaan wali baaritaan rasmi ah ku bilaabin dhacdooyinkii Laascaanood iyada oo ay suurtagal tahay in maamulka SSC-Khaatumo uu dalbado baaritaan caalami ah oo madax banaan walaw ilaa hadda aysan iyagu ku dhawaaqin.

Masuuliyiin ka tirsan golaha sare ee dhaqanka SSC-Khaatumo ayaa horey tilaabadaas uga dhawaajiyay walaw aan la ogayn wakhtigeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka iyo dowladda oo Muqdisho ku yeelanaya kulan ku saabsan arrimaha doorashooyinka

Dhinaca Golaha Mustaqbalka waxaa kulanka uga qeybgalaya xubno farsamo oo ay ku jiraan wakiillo ka socda Puntland iyo Jubbaland.

  • Soomaliya

    09-07-2026

  • 08:42AM

FBI-da Mareykanka oo Liiska Dadka Ugu Doon-doonista Badan ku Dartay Nin Soomaali ah

Kash Patel, ayaa sheegay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Fahad Maxamed Nuur uu qayb ka yahay shakhsiyaadka hay’addu ay baadigoobka weyn ugu jirto.

  • Soomaliya

    08-07-2026

  • 06:59PM