Gadiid aan xabada karin iyo ciidamo kale laga dejiyay Dhuusamareeb

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Saddex diyaaradood ayaa maanta oo Talaado ah waxay cago dhigteen garoonka diyaaradaha magaaladda Dhuusamareeb, sidda ay Garowe Online u xaqiijiyeen illo wareedyo.

Caasimadda dowlad goboleedka Galmudug ayaa lagu wadaa in maalamaha soo aadan uu ka qabsoomo shirka dib u heshiisiinta maamulkaasi, kaasi oo dhinacyo kala duwan ay ka qeybgalayaan.

Diyaaradaha ayaa la xaqiijiyey in ay wadeen gaadiid nooca aan xabadda karin ah, ciidamo dheeraad iyo sidoo kale gaadiidka ay adeegsadaan askarta dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Axadii ayey ahayd markii booliska sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya ay gaareen xarunta gobolka Galgaduud, wallow talaabadaasi ay su'aal ka keenen mas'uuliyiinta degaanka.

Tani ayaa ka dambeysay markii heshiis ay gaareen xukuumadda Muqdisho iyo Ahlu Sunna Waljameeca, inkasta oo hogaanka ururkaasi uu shaaciyey in dowladdu uga baxday qaar kamid ah qodobada.

Qaar kamid ah xisbiyadda siyaasadeed ee dalka ka jira oo sheegay in dowladdu farogelin ku hayso shirka dib u heshiisiinta Galmudug ayaa ka digay in ay horseedo qalalaaso.

Furitaanka kulanka oo qaban-qaabadii ugu dambeysay loogu jiro ayaa waxaa la filayaa in ay ka qeybgalaan madax ka tirsan xukuumadda federaalka ah.

Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa horey uga dhawaajiyey in shirkan uu dabaha u xaarayo "Galmudug mideysan, xoogan oo ka qeyb-qaadata horumarka waddanka".

Marka laga soo tago sharaxaadda mas'uuliyiinta, qaar kamid ah siyaasiyiinta degaankaasi oo kala qeybsamay ayaa ku doodaya shirka lagu fushanayo "dano siyaasadeed".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM