Galaha Ammaanka oo xayiraada hubka ka qaadey Soomaaliya

Image
Hogaanka dowladda federaalka ayaa si weyn ugu dabaaldegay talaabadan ay ku tilmaameen "guul taariikhi ah".

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqay in ay xayiraadda hubka ka qaadeen Soomaaliya kadib markii at taageereen 14 dowladood.

Qaaditaanka cunaqabateyntan oo lasoo rogay 1992-dii ayaa waxa ay kusoo aaday iyadda oo dalka uu ku jiro dagaal looga soo horjeedo dagaalameyaasha Al-Shabaab.

Hogaanka dowladda federaalka ayaa si weyn ugu dagaaldegay talaabadan waxaana ay sheegeen in ay tahay guul taariikhi ah oo usoo hooyatay dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Dalka Ingiriiska oo madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud uu bishii horey uu booqdey ayaa qaraarka qaaditaanka xayiraadda hubka u gudbiyay Golaha Ammaanka.

Britain ayaa sidoo kale waxa ay golaha u gudbisay qaraar kale kaasoo xayiraad kusoo rogaya xoogaga qacan-saarka la leh shabakadda argagixisada ah ee Al-Qaacida.

Al-Shabaab ayaa kamid ahayd sababaha ugu horeeya ee markii hore xayiraada hubka loogu soo rogay Soomaaliya maadaama ay si fudud ku helaysay saanada dowlada.

Kadib markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya sanadkii 1991-dii, hubka ayaa gacanta u galay hogaamiye kooxeedyada taasoo horseeday in ay dhexdooda ku diriraan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Ma doonayno in Israa’iil noo timaaddo oo dhibaatooyin noo keento

Wuxuu tallaabada Israa’iil ku tilmaamay mid “aad u murugo leh,” isaga oo ku baaqay in la ixtiraamo sharciga caalamiga ah.

  • Soomaliya

    31-12-2025

  • 08:48PM

Dowladda Soomaaliya oo xoojisay dagaalka siyaasadeed oo ka dhanka qaar ka tirsan maamulada dalka

Su’aal ay dad badan is weydiinayaan ayaa ah sababta si gaar ah Puntland ….

  • Soomaliya

    30-12-2025

  • 06:24PM