Galmudug oo ka warbixisay xaaladda caafimaad ee Madaxweyne Qoorqoor

Image

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Cabdi Adan oo goor dhow la hadlay VOA ayaa ka warbixiyay xaaladdiisa caafimaad, isaga oo sheegay in ay aad u wanaagsan tahay.

Madaxweynaha ayaa loo soo qaaday magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, waxaana uu sii joogi doonaa maalmaha soo socda.

Wasiir Axmed Cabdi Aadan ayaa iftiimiyay in Al-Shabaab ay isku dayeen in ay ku dilaan Madaxweynaha iyo Mas’uuliyiinta kale ee deegaanka Laas-Gacmey, weerarkaas oo ahaa mid aan lagu guuleysan.

Shalay subax ayaa gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa waxaa lagula eegtay nawaaxiga deegaanka Laas-Gacmey.Balse tallaabada degdega ah ee ay qaadeen ciidamada ammaanka ee Madaxweyne Qoorqoor, ayaa lagu fashiliyay weerarkaasi, iyadoo la sugay ammaanka Madaxweynaha iyo Saraakiisha kale ee hawlgalka ku lugta leh.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM