Garaadada SSC-Khaatumo oo ka digay hanjaabada ka imaaneysa Somaliland

Image

LAASCAANOOD, Soomaaliya - Isimada SSC-Khaatumo ayaa maanta ka jawaabay hadalo kasoo yeeray salaadiinta Somaliland, iyaga oo uga baaqay salaadiinta in ay nabadda ka shaqeeyaan intii ay colaadaha kicin lahaayeen.

Waxa ayna sidoo kale ka digeen dagaal qaaraar ah uu dhaxmaro beelaha walaalaha ah, kadib baaqyo dagaal oo ka soo yeeray salaadiinta Somaliland.

Garaad Cabdullahi Garaad Saleebaan ayaa yiri: "Ma doonayno in la laayo dadka reer guuraaga ah, sidoo kale ma doonayno in la gubo tuulooyinka ay ku nool yihiin dad masaakiin ah, waxaan rabnaa nabad."

Garaadada ayaa sheegay in ciidamadooda ay gaareen deegaano fog fog oo ka tirsan gobolka Sool, balse ay dib u soo celiyeen, iyagoo xaqiijiyay inay doonayn inay ka aargoostaan beelaha ay deriska yihiin ​​wixii ku dhacay bilihii lasoo dhaafay.

Waxa kale oo ay caddeeyeen inay dhulkooda ka difaaci doonaan cid kasta oo gardaro ku soo duusha, haddii ay tahay Somaliland ama beelaha la deriska ah sida ay hadalka u dhigeen.

Waxaa xusid mudan in bilihii lasoo dhaafay ka dhacayay magaalada Laascaanood duqeymo aan loo meel dayin oo galaaftay nolosha boqolaal shacab ah oo aan waxba galabsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Halkee marayaa cadaadiska Dowladda Federaalka ku hayso ATMIS iyo diidmada Lafta-Gareen?

Wararka laga helayo ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in kulan u dhexmarey taliye sare oo…

  • Soomaliya

    19-03-2026

  • 04:40PM

Laftagareen oo Baydhabo ka bilaabay kulamo ku saabsan “faragelinta” dowladda Federaalka

Madaxweynaha ayaa intaas ku daray in xiriirka u dhexeeya labada heer ee dowladda uu noqdo mid ku dhisan ixtiraam iyo wada-tashi dhab ah.

  • Soomaliya

    19-03-2026

  • 12:28PM