Geel ku le'day Jubaland kadib xanuun dhif ah soo soo ritay

Image
Geel gaaraya 7,500 ayuu xanuunkaan soo ritay ayna ku dhamaadeen tirro dhan 3,500.

KISMAAYO, Jubaland - Deegaanada Jubaland ayaa lasoo sheegayaa in uu halkaasi ka dilaacay xanuun hor leh kaasi oo saamayn ku yeeshay xoolaha gaar ahaan Geella oo kamid ah kheyraadka ay Soomaalida sida weyn u ilaashadaan.

Wasiirka xanaanada Xoolaha ee dowlad goboleedka Jubaland, Maxamed Nuur Cali (Nuuraani) ayaa shaaca ka dhigay in aysan illaa hadda xanuunkaan si gaar ah u aqoonsan.

"Maadaama oo dalka uusan ka jirin sheybaar qaran xanuunkaan ilaa hadda ma garan laakiin waxaan u malaynaynaa in uu yahay midka ay soomaalidu u taqaano, Qaraha," ayuu tibaaxay.

Geel gaaraya 7,500 ayuu xanuunkaan soo ritay iyada oo ay bakhtiyeen xoolo gaaraya 3,500, sida uu ku dhawaaqay wasiirka xanaanada xoolaha ee Jubaland.

Xoolo dhaqatada oo iyagu ay noloshoodu ku tiirsan tahay xoolaha ayaa soo wariyay in ay ka walaacsan yihiin in ay soo food saarto duruufo nololeed oo adag.

Barakac hor leh oo ka dhasha le'eshada xoolahan ayaa laga digay iyada oo dhawaan ay ahayd markii dowladda Kenya ay sheegtay in ay furayso xeryo qaxooti oo hor leh soomaalida kusoo cararaysa Kenya.

Dowladda Soomaaliya ayaa iyadu wali ka hadlin xanuunkaan cusub ee lagu arkay deegaanadda Jubaland iyada oo dhawr mar laga dhawaajiyay muhiimadda Sheybaar qaran oo dalka laga hirgeliyo si loola tacaalo xaaladahan oo kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Booqasho ay ku Tilmaantay Sharci-darro Cambaareysay

Warsaxaafadeed ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya soo saartay Talaadadii…

  • Soomaliya

    06-01-2026

  • 09:52PM

Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo Heshiis ka Gaarey Khilaafkooda Shakhsiyeed

Kulankan oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa diiradda lagu saaray sidii loo yareyn lahaa xiisadda siyaasadeed ee dalka.

  • Soomaliya

    05-01-2026

  • 08:02AM