Geeri Qaran: Taariikhdii Faneed ee Ustaad Axmed Naaji Sacad

Image

LONDON, Ingiriiska - Shacabka Soomaaliyeed ayaa aad uga xumaaday geeridii ku timid Fanaankii Soomaaliyeed ee Axmed Naaji Sacad oo maanta ku geeriyooday magaalada London ee caasimadda dalka Ingiriiska.

Axmed Naaji Sacad waxa uu ku dhashay magaalada Muqdisho sannadkii 1939-kii, waxa uuna ku barbaaray degmada Shibis, halkaas oo dugsiga kaga bartay luuqadaha Talyaaniga iyo Carabiga. 

Sanadkii 1954-tii ayuu fanka ku soo biiray waxuuna ku bilaabay heeso oo bulshada soomaaliyeed ku goobaabinaysa xorriyadda, kadib markii uu dalka ka xoroobay gumeysiga waxa uu ku biiray mid ka mid ah kooxihii fanka ee Muqdisho ka jiray.

Waxa uu 1962kii ku biiray Radio Muqdisho isaga uu loo magacaabay madaxa qeybta Muusiga ee Radio Muqdisho.

Fannaankan oo taariikhda fanka Soomaaliyeed baal dahab kaga jira waxa uu goob joog ka ahaa marxaladihii kala duwan ay soo martay dawladnimada Soomaaliya, laga soo bilaabo gumaysigii ilaa xorriyadda, ka dibna dawladdii milatariga ahayd, iyo ugu dambayntii dagaalladii sokeeye.

Waxa uu soo saaray heeso badan oo wadani ah oo ku baaqaya gobanimo, dal jacayl, ka fogaanshaha qabyaalada iyo wax kasta oo bulshada dhexdeeda kala qaybin kara.

Madaxda Dalka ayaa dhankoodii tacsi u diray ehelada uu ka dhashay fanaanka iyo dhamaan Shacabka Soomaaliyeed.

“Marxuumka waxaa uu ka mid ahaa aasaaseyaasha iyo udub dhexaadka fanka Soomaaliyeed, gaar ahaan hobalada qaranka ee Waaberi.” Ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay Wasaaradda Warfaafinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka iyo dowladda oo Muqdisho ku yeelanaya kulan ku saabsan arrimaha doorashooyinka

Dhinaca Golaha Mustaqbalka waxaa kulanka uga qeybgalaya xubno farsamo oo ay ku jiraan wakiillo ka socda Puntland iyo Jubbaland.

  • Soomaliya

    09-07-2026

  • 08:42AM

FBI-da Mareykanka oo Liiska Dadka Ugu Doon-doonista Badan ku Dartay Nin Soomaali ah

Kash Patel, ayaa sheegay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Fahad Maxamed Nuur uu qayb ka yahay shakhsiyaadka hay’addu ay baadigoobka weyn ugu jirto.

  • Soomaliya

    08-07-2026

  • 06:59PM