Geeri Qaran: Taariikhdii Faneed ee Ustaad Axmed Naaji Sacad

Image

LONDON, Ingiriiska - Shacabka Soomaaliyeed ayaa aad uga xumaaday geeridii ku timid Fanaankii Soomaaliyeed ee Axmed Naaji Sacad oo maanta ku geeriyooday magaalada London ee caasimadda dalka Ingiriiska.

Axmed Naaji Sacad waxa uu ku dhashay magaalada Muqdisho sannadkii 1939-kii, waxa uuna ku barbaaray degmada Shibis, halkaas oo dugsiga kaga bartay luuqadaha Talyaaniga iyo Carabiga. 

Sanadkii 1954-tii ayuu fanka ku soo biiray waxuuna ku bilaabay heeso oo bulshada soomaaliyeed ku goobaabinaysa xorriyadda, kadib markii uu dalka ka xoroobay gumeysiga waxa uu ku biiray mid ka mid ah kooxihii fanka ee Muqdisho ka jiray.

Waxa uu 1962kii ku biiray Radio Muqdisho isaga uu loo magacaabay madaxa qeybta Muusiga ee Radio Muqdisho.

Fannaankan oo taariikhda fanka Soomaaliyeed baal dahab kaga jira waxa uu goob joog ka ahaa marxaladihii kala duwan ay soo martay dawladnimada Soomaaliya, laga soo bilaabo gumaysigii ilaa xorriyadda, ka dibna dawladdii milatariga ahayd, iyo ugu dambayntii dagaalladii sokeeye.

Waxa uu soo saaray heeso badan oo wadani ah oo ku baaqaya gobanimo, dal jacayl, ka fogaanshaha qabyaalada iyo wax kasta oo bulshada dhexdeeda kala qaybin kara.

Madaxda Dalka ayaa dhankoodii tacsi u diray ehelada uu ka dhashay fanaanka iyo dhamaan Shacabka Soomaaliyeed.

“Marxuumka waxaa uu ka mid ahaa aasaaseyaasha iyo udub dhexaadka fanka Soomaaliyeed, gaar ahaan hobalada qaranka ee Waaberi.” Ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay Wasaaradda Warfaafinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hogaamiye Al-Shabaab oo Mareykanka $5 million dul-dhigay madaxiisa oo lagu dilay Jilib 

Dowladda Federaalka ayaa mar kale adkaysay go’aankeeda ah inay sii waddo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    02-01-2026

  • 07:41AM

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka digay qorshaha Israel ka damacsan tahay Somaliland

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Muqdisho ay la xiriirtay bulshada caalamka, oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 12:41PM