Golaha Shacabka oo ka dooday in hub-ka-dhigis lagu sameeyo shacabka

Image

Mogadishu, (GO)- Golaha Shacabka ayaa maanta ka dooday sharciga hubka ee Soomaaliya, si loo diiwaan geliyo, lana ogaado cidda iska leh, kaasoo fududeynaya shaqada hay’adaha amniga haddii uu fal dambiyeed dhaco.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada ayaa xaqiijiyay walaaca ay ka qabaan go’aankan, iyaga oo sheegay in uu kusoo beegmaya xilli dalka uu wajahayo halis amni oo uga imaanayo argagaxisada..

Xildhibaanada qaar ayaa aaminsan in dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab uu ku tiirsan yahay dadka deegaanka oo hubkooda wata.

Sida ay ku andhacoodeen mudanayaasha qaar hubka waxa uu muhiimad weyn u leeyahay bulshada Soomaaliyeed, maadama ay duruufaha ku qasbeen inay qaataan oo ay is difacaan kadib sanado badan oo dowlad la’aan ah. 

Xildhibaanada ayaa sidoo kale su’aal ka keenay in dowladda ay shacabka kala wareegto hubka, maadaama ay awoodaas laheyn, iyada oo shacabka ay heystaan hub ka casrisan kuwa ay dowladdu leedahay.

Xildhibaan Yaasiin Farey ayaa sheegay in suuqyada hubka ee magaalada Muqdisho lagu iibiyo Madaafiic, isaga oo su’aal ka keenay sida uu Baarlamaanka u meel marin doono sharcigiisa qabyada ah haddii la ansixiyo.

Dowladda Soomaaliya ayaa dooneysa inay sharciyeyso hubka, isla markaana hub ka dhigis lagu sameeyo shacabka, sababo la xiriira qaadista cunaqabateynta hubka ee saaran dalka.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Elon Musk oo ku baaqey in la Xiro Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay Abuukar Baalle

Abukar Dahir Osman ayaa la wareegay madaxtinimada wareegta ah ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay 1-da Janaayo 2026.

  • Soomaliya

    02-01-2026

  • 06:54PM

Hogaamiye Al-Shabaab oo Mareykanka $5 million dul-dhigay madaxiisa oo lagu dilay Jilib 

Dowladda Federaalka ayaa mar kale adkaysay go’aankeeda ah inay sii waddo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    02-01-2026

  • 07:41AM