Golaha Wadatashiga Qaranka oo ka hadlay Guushii SSC-Khaatumo

Image
Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya iyo madaxda dowlad-goboleedyada

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa maanta soo saaray war-murtiyeed ku saabsan shirkii ka socday magaalada Dhuusamareeb 26-kii iyo 27-kii bishan.

Shirka golaha ayaa looga hadlay mowduucyo ay ugu muhiimsanaayeen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo dagaaladii dhawaan ka dhacday gobolka Sool ee lagu qabsaday Saldhiga Goojacade.

Golaha ayaa ku booriyay SSC-Khaatumo iyo Somaliland xabbad-joojin degdeg ah, iyo in si bini'aadinimo ah loola dhaqmo maxaabiista dagaalka.

Warmurtiyeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay sida ay Goluhu diiradda u saarayaan midnimada dalka iyo dadkaba, waxayna muujiyeen sida ay uga cabsi qabaan cawaaqibta ka dhalan karta dagaalka socda.

Sidoo kale waxa uu soo hadal qaaday in loo baahan yahay in loo gurmado dadkii ka barakacay dagaalada, isla markaana la caawiyo dadka ay dhibaatadu soo gaartay.

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli maamulka SSC-Khaatumo uu soo saaray baaqyo ay dowladda Soomaaliya kaga dalbanayaan in ay mowqif ka qaataan duulaanka lagu hayo Shacabka reer Sool.

Maamulka SCC-Khaatumo ayaa sidoo kale dowladda Federaalka ka dalbaday in adeegyada dowladda ay u fidiso deegaanada lagala wareegay ciidamada Somaliland.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM