Golaha Wadatashiga Qaranka oo ka hadlay Guushii SSC-Khaatumo

Image
Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya iyo madaxda dowlad-goboleedyada

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa maanta soo saaray war-murtiyeed ku saabsan shirkii ka socday magaalada Dhuusamareeb 26-kii iyo 27-kii bishan.

Shirka golaha ayaa looga hadlay mowduucyo ay ugu muhiimsanaayeen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo dagaaladii dhawaan ka dhacday gobolka Sool ee lagu qabsaday Saldhiga Goojacade.

Golaha ayaa ku booriyay SSC-Khaatumo iyo Somaliland xabbad-joojin degdeg ah, iyo in si bini'aadinimo ah loola dhaqmo maxaabiista dagaalka.

Warmurtiyeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay sida ay Goluhu diiradda u saarayaan midnimada dalka iyo dadkaba, waxayna muujiyeen sida ay uga cabsi qabaan cawaaqibta ka dhalan karta dagaalka socda.

Sidoo kale waxa uu soo hadal qaaday in loo baahan yahay in loo gurmado dadkii ka barakacay dagaalada, isla markaana la caawiyo dadka ay dhibaatadu soo gaartay.

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli maamulka SSC-Khaatumo uu soo saaray baaqyo ay dowladda Soomaaliya kaga dalbanayaan in ay mowqif ka qaataan duulaanka lagu hayo Shacabka reer Sool.

Maamulka SCC-Khaatumo ayaa sidoo kale dowladda Federaalka ka dalbaday in adeegyada dowladda ay u fidiso deegaanada lagala wareegay ciidamada Somaliland.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Hogaamiye Al-Shabaab oo Mareykanka $5 million dul-dhigay madaxiisa oo lagu dilay Jilib 

Dowladda Federaalka ayaa mar kale adkaysay go’aankeeda ah inay sii waddo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    02-01-2026

  • 07:41AM

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka digay qorshaha Israel ka damacsan tahay Somaliland

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Muqdisho ay la xiriirtay bulshada caalamka, oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 12:41PM