Golaha Wasiirada oo Muqdisho ku yeelan doona kulan aan Caadi aheyn

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa isugu imaanaya maanta kulan aan caadi ahayn sida ku xusan ogeysiis xalay loo diray xubnaha golaha.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa shir guddoomin doona kulanka, waxaana inta badan diiradda lagu saari doonaa marxaladda uu dalku marayo, iyadoo si gaar ah isha loogu hayo howlgallada ka dhanka ah kooxda ‘AS’.

Marka laga soo tago arrimaha amniga, Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale ka doodi doona arrimo kale duwan oo ay ka mid yihiin xisaab xirka Miisaaniyadda dowladda Soomaaliya iyo howlaha Xukuumadda horyaalla.

Kulankii caadiga ahaa ee ay khamiistii lasoo dhaafay ku yeesheen magaalada Muqdisho ayay xubnaha goluhu si wadajir ah u go’aamiyeen in la taageero ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka digay qorshaha Israel ka damacsan tahay Somaliland

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Muqdisho ay la xiriirtay bulshada caalamka, oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 12:41PM

Xasan Sheekh oo u safraya Saudi Arabia xilli ay isbeddelayaan xulafada Soomaaliya

Sidoo kale, booqashadan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo dowladda Soomaaliya ay si cad u taageertay mowqifka Sacuudi Carabiya.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 09:23AM