Guddiga DF Soomaaliya ee shirka Jabuuti oo u jawaabay Muuse Biixi

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Guddigii dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ku metelayey shirkii Jabuuti ee wadahadalka Somaliland ayaa ka jawaabay eedeynta uga timid madaxweynaha maamulkaas, Muuse Biixi Cabdi.

Biixi ayaa markii uu maanta dib ugu laabtay magaaladda Hargeysa wuxuu guddiga ku sifeeyay "kuwa aanan faham-saneyn waaqica jira".

Dhaliishaan ayuu jeediyey xilli uu tusaaleynayey sababaha keenay kala-kac dhowr jeer yimid mudadii afarta maalmood ee wadahadalku socday.

Qodobka ugu culus ee leysku mari-waayey isla markaana loo saarey guddi gaar ah oo Jabuuti ku shiri doona laba asbuuc kadib ayaa ah isu socodka siyaasiyiinta xilalka ka haysa xukuumadda federaalka iyo Somaliland.

Jabuuti iyo Mareykanka ayaa ku dedaalay in uusan burburin shirka isla markaana is-afgarad ay kala saxiixdaan dhinacyadda. Qodobada horu-dhaca ah ee lagu heshiiyey waxaa kamid ah in lasii waddo wadahadalka.

"Biixi waa in uu la laabtaa arrintaas"

Cabdi Maxamed Sabriye, wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya kana mid ah xubnaha guddiga farsamo ee dowladda federaalka ku metelay wadahadalka, ayaa waxbo kama jiraan ku qeexay eedeynta Muuse Biixi Cabdi.

Wasiirka oo qalinka ku duugay heshiiska horudhaca ah iyo xubnaha kale ee wafdiga dowladda ayaa galabta kusoo laabtay magaalada Muqdisho.

Isagoo ka hadlayey shir jaraa'id oo guddigu qabtay, Sabriye oo si kooban uga falceliyey dhaleeceyntaas ayaa ugu baaqay Biixi in uu ka laabto hadalkaas.

"Walaalow, madaxweynaha Somaliland aniga uma hadli karo, mawduucyadda meeshaas looga hadlayey mawduucyo cad-cad ayay ahaayeen, waa la calaameeyay, ajandaa la dhigay wax hadda ama ayagga ama annaga nagu baaqsoonaa wax horey u dhacay ah ma jirin…qolo walba waxay la timid file-lalkii sideedii shir ee lasoo dhaafay iyo wixii lagu heshiiyey, wixii laga wada hadlayey, waqtiga, meeshii lagu qabtay iyo ciddii qabaneysay, markaa hadii madaxweynuhu sidaas yiri waxaan jeclaan lahayn in uu dib ula laabto arrintaas," ayuu kaga war-celiyey su'aal ay saxaafaddu ka waydiisay hadalka Biixi.

Isu jawaabida durba soo ifbaxday kadib shirka Jabuuti ayaa la rumeysan yahay in ay abuuri karto xaalad kale oo saameyn karta kulanka la filayo bisha dambe.

Shirka lagu soo gabagabeeyay Jabuuti ayaa waxaa qaban-qaabisay Itoobiya; Jabuuti waxay ka ahayd martigeliye iyo shir-gudoon, halka Mareykanka uu korjoogto ka ahaa, waxaana kasoo muuqdey wakiiladda Beesha Caalamka.

MUUQAALKA WASIIRKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM