Guddiga dib-u-eegista iyo hirgalinta dastuurka oo cod loo qaadey

Image
Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya ayaa xubnahan horgeeyay Golaha Shacabka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Madoobe, ayaa shir guddoomiyay kal-fadhiga labaad kulamadiisa 28-aad iyo 29-aad oo ay xildhibaannadu ku soo jeediyeen mooshin ah in ajandaha lagu daro u codeynta Guddiga Madaxa Banaan ee Dib u Eegista Dastuurka Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Xildhibaannada Golaha Shacabka u soo jeediyay in ay codkooda kalsoonida ah siiyaan si uu Guddiga Dib u Eegista Dastuurka uu u bilaabo shaqo howleedkooda loo igmaday.

Mudaneyaasha ayuu warbixin ka siiyay guddigu sida uu u shaqeeyo aqoontooda xubnaha loo soo xulay, waxaana mudaneyaasha codkooda ku ogolaadeen 143 xildhibaan wax diiday iyo wax ka aamusay ma jiraan.

Ansixinta kadib, Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Xasan Macalin Maxamuud ayaa wuxuu u mahadceliyay Xildhibannada Golaha Shacabka sida aqlabiyada leh ay u ansixiyeen xubnaha Guddiga Madax-banaan ee dib-u-regista iyo hirgalinta Dastuurka.

Xubnaha la ansixiyay ayaa kala ah:

Mohammed Hassan Idriss
Ahmed Mohamuud Jama
Mohamed Abdalla Salah
Farhia Mumin Ali
Burhan Adan Omar.

Dhanka kale, sharci-dejiyeyaasha ayaa ka doodaday isla-markaana ka warbixiyay akhrinta 2-aad, akhrinta 3-aad iyo u codeynta Hindise Sharciyeedka Horumarinta iyo Maareynta Kalluumeeysiga Soomaaliyeed.

Mudaneyaasha oo si qota-dheer u lafa guray kheyraadka ku jira badda, akhrinta ka dib waxaa codkooda kalsoonida ah siiyay 142 xildhibaan, hal xildhibaan ayaa Ka aamusay, wax diiday ma lahan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ku dhawaaqay inuu Sharciga Kheyraadka Horumarinta iyo Maareynta Kalluumeeysiga Soomaaliya ansax yahay.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeeysiga iyo Kheyraadka Buluuga, Axmed Xasan Cabdi, ayaa xildhibaannadda Golaha Shacabka uga mahadceliyay sida aqlabiyada leh ay u ansixiyeen sharcigan muhiimka u ah dalka inuu wax badan ka tari doono ka faaideysiga kheyraadka badda.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo soo xiray kulanka maanta ayuu xildhibaannada Golaha Shacabka uga mahadceliyay in shuruuc badan la ansixiyay kuwaas oo wax badan ka anfacaya dalka iyo shacabka Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo Saraakiil Ciidan kula shiray Baydhabo

Shirka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga iyo isku-duwidda hay’adaha amniga si loo xaqiijiyo nabadgelyo waarta.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:55AM

Dowladda oo billowday bixinta kaararka codbixinta doorashada xili uu jira khilaaf

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ku adkaystay in doorashadu ay dhici doonto waqtigeeda.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:04AM