Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka faalla qaaday waxbarashada gabdho agoon ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen jimcaale (Madaale) ayaa maanta ka faalla qaaday waxbarashada 173 gabdhood oo agoon ah, kuwaas oo wax barta School-ka ummu Mu’miniin Caa’isha ee ku yaala degmada Xamarweyne.

Gudoomiyaha ayaa go'aankan gaaray ka dib kormeer uu ku tagay School-ka ummu Mu’miniin Caa’isha halkaas uu ku kala kulmay ardayda iskuulka iyo maamulkaba.

Guddoomiyaha ayaa seegay in uu had iyo jeer garab taagan yahay barnaamij kaste oo lagu horumarinayo nolasha caruurta Soomaaliyeed ee agoonta ah.

Waxaa Guddoomiye Madaale ku wehliyay kormeerka Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada maamulka gobolka Banaadir Cabdicasiis Cismaan iyo Aggaasimaha Waaxda horumarinta ageegyada waxbarashada Gobolka Banaadir Maxamed Cabdi Cujub.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM