Guterres oo caalamka u diray qaylo-dhaan la xiriirta Soomaaliya

Image
Madaxa Qaramada Midoobay ayaa hadalkan sheegay xilli uu wariyeyaasha kula hadlayay Villa Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa "taageero caalami ah oo ballaaran" u dalbay Soomaaliya oo ay wajaheyso "abaartii ugu darneyd muddo tobanaan sano ah".

Antonio Guterres oo Talaadadii lagu soo dhaweeyay caasimadda Muqdisho ayaa xarunta madaxtooyada kula kulmay Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynaha dalka dhaca Geeska Afrika.

Isagoo wariyaasha kula hadlayay shir jaraa’id, Guterres ayaa xusay in uu u joogo Soomaaliya “si uu qeylo dhaan uga bixiyo baahida loo qabo taageero caalami ah oo ballaaran, sababtoo ah dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee dalka uu wajahayo.”

Guterres ayaa hoosta ka xariiqay in Soomaaliya aysan kamid ahayn dalalka sababay isbadalka cimiladda balse ay kamid tahay dowladaha saameynta ugu xun ay kasoo gaartey.

In ka badan 6.5 milyan oo qof oo ku nool Soomaaliya ayaa la saadaalinayaa in ay soo wajihi karto xaalad halis ah ama cunto yari ka sii daran inta u dhaxaysa bilaha April iyo June.

Sidda ay sheegeen hay'adaha gargaarka iyo Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa, in ka badan 223,000 oo qof ayaa la filayaa in ay qarka u fuuli karaan "gaajo masiibo ah".

"Qiyaastii 43,000 oo qof ayaa ku dhintay abaarta 2022 oo keliya - kala bar waxay ahaayeen carruur da'doodu ka yar tahay 5 sano jir," ayay sii raacisay Qaramadda Midoobay.

Tan iyo markii ay bilaabatay abaarta hadda jirta, in ka badan 1.5 milyan qof ayaa ka barakacay guriyahooda kuwaasoo si degdeg ah ugu baahan in ay helaan mucaawino kahor dhamaadka sanadkan 2023-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo Saraakiil Ciidan kula shiray Baydhabo

Shirka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga iyo isku-duwidda hay’adaha amniga si loo xaqiijiyo nabadgelyo waarta.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:55AM

Dowladda oo billowday bixinta kaararka codbixinta doorashada xili uu jira khilaaf

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ku adkaystay in doorashadu ay dhici doonto waqtigeeda.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:04AM