Guudlaawe oo iska-leexiyey isbaarooyinka ka jira HirShabelle

Image
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhowaan si adag uga hadlay qadiyaddan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen oo gudoomiyay Shirka Golaha Wasiirada Dowladda HirShabeelle ayaa sheegay in Isbaarooyinka yaala deegaaanada Hirshabeelle ay u yaalaan qaar kamid ah ciidanka milatariga.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa looga hadlay arrimaha amniga, dardargalinta wajiga labaad ee howlgalada lagu ciribtirayo kooxaha khawaarijta alshabaab oo dhowaan bilaaban doona iyo muhiimada dardargalinta howlaha hortabinta u leh Dowladda.

Ciidanka Xoogga Dalka ee isbaarta u taalo ayuu xusay in ay hoostagaan Wasaarada Gaashaandhiga, isagoo xusay in dhowr jeer si hoose looga hadlay balse aan waxba laga qaban.

Guudlaawe ayaa tilmaamay in Hirshabeelle aysan u oolin wax isbaaro ah, qabiil aysan u oolin, balse dadkeena ay dhac iyo boob ku hayaan qaar kamid ah Ciiidanka Xoogga dalka oo aan la wadaagnay Taliskooda iyo Madaxda dalka.

"Ma jiro qof shacab ah oo ay u taalo isbaaro. Ma jiro maamul heer dowlad goboleed ah ama heer degmo ah oo ay degaanada xorta ah ee HirShabelle ay isbaaro u taallo," ayuu ku daray.

Dhanka kale, wasiirada ayuu la wadaagay diyaar garowga loogu jiro wajiga labaad ee howlgalada lagu ciribtirayo khawaarijta alshabaab oo dhowaan ka bilaaban doono deegaanada Hirshabeelle, waxa uuna shacabka ugu baaqay inay isu diyaariyaan ka qeybgalka howlgaladaas.

Wasiirka Qorsheynta ayaa golaha la wadaagay halka uu marayo barnaajimka xalka waara, iyadoo dhanka kale Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Gaadiidka uu golaha uga waramay qorshooyinka Wasaarada ee hagaajinta Garoomada diyaaradaha iyo howlgalinta taarkooyinka gaadiidka.

"Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Hirshabeelle inay ka feejignadaan fatahaado laga yaabo inuu sameeyo Wabiga Shabeelle," ayuu yiri xafiiska Guudlaawe.

Dhawaqa Guudlaawe ayaa kusoo hagaagaya xilli dhowaan madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud uu ka dhawaajiyey in degaanada HirShabelle ay yihiin meesha kaliya ee dalka kamid ah ee isbaaro ka jirto, isagoo is-waydiiyey cidda dhigatay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo Saraakiil Ciidan kula shiray Baydhabo

Shirka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga iyo isku-duwidda hay’adaha amniga si loo xaqiijiyo nabadgelyo waarta.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:55AM

Dowladda oo billowday bixinta kaararka codbixinta doorashada xili uu jira khilaaf

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ku adkaystay in doorashadu ay dhici doonto waqtigeeda.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:04AM