Halkee ayay marayaan wadahadallada DF iyo Somaliland ka dib aqoonsigii SSC-Khatumo?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ergayga Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Somaliland, Cabdikariim Xuseen Guuleed, ayaa ka hadlay halka ay marayso wadahadallada labada dhinac, ka dib markii la aqoonsaday Maamulka SSC-Khaatumo.

Isagoo khudbad ka jeedinayay munaasabad lagu xusayay 25-guuradii kasoo wareegtay aasaaskii Dusgiga Axmed Guray, ayuu Ergeyga sheegay in wada-hadallada ay sii socon doonaan, isla markaana aysan waxba iska bedelin siyaasadda dowladda Soomaaliya ee ku aaddan Somaliland.

Dowladda Federaalka oo uu wakiil ka yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha Axmed Macallin Fiqi ayaa dhawaan ku dhawaaqay in ay aqoonsadeen maamulka SSC-Khaatumo ee uu hogaamiyo Cabdulqaadir Firdhiye.

Talaabadan ayaa waxaa taageeray siyaasiyiin iyo waxgarad Soomaaliyeed, kuwaasi oo ku baaqay in la xoojiyo midnimada, oo lala dagaalamo fikradaha gooni u goosadka ah ee sida xun u saameeya amniga dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM