Hay’adda Maareynta Masiibooyinka oo $350.000 ku wareejisay Isbitaalka Madiina

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Isbitalka weyn ee Madiina ayaa waxaa maanta kormeer ku tagey Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed Maxamuud Macalin Cabdulle. Guddoomiyaha ayaa lacag dhan $375,000 ku wareejiyay intii uu ku guda jiray kormeerkiisa Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed General Sulub Axmed Firin iyo Maamulka Sare ee Isbitaalka.

Ujeedada deeqdan lacageed ayaa ah in lagu garab istaago wajiga koowaad ee dhismaha xarunta gargaarka degdega ah ee isbitaalka Madiina. Xaruntan oo uu xariga ka jaray Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa si gaar ah loogu talagalay in lagu daryeelo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku waxyeeloobay musiibooyinkii ka dhacay Soomaaliya. .

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa booqday waaxyaha kala duwan ee isbitaalka, waxa uuna bogaadiyay adeegyada ay hay’addu dhawaan ku soo kordhisay magaalada Muqdisho, gaar ahaan u gurmashada dadkii ku waxyeeloobay qaraxii Baladweyne.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Halkee marayaa cadaadiska Dowladda Federaalka ku hayso ATMIS iyo diidmada Lafta-Gareen?

Wararka laga helayo ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in kulan u dhexmarey taliye sare oo…

  • Soomaliya

    19-03-2026

  • 04:40PM

Laftagareen oo Baydhabo ka bilaabay kulamo ku saabsan “faragelinta” dowladda Federaalka

Madaxweynaha ayaa intaas ku daray in xiriirka u dhexeeya labada heer ee dowladda uu noqdo mid ku dhisan ixtiraam iyo wada-tashi dhab ah.

  • Soomaliya

    19-03-2026

  • 12:28PM