Hay’adda Maareynta Masiibooyinka oo $350.000 ku wareejisay Isbitaalka Madiina

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Isbitalka weyn ee Madiina ayaa waxaa maanta kormeer ku tagey Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed Maxamuud Macalin Cabdulle. Guddoomiyaha ayaa lacag dhan $375,000 ku wareejiyay intii uu ku guda jiray kormeerkiisa Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed General Sulub Axmed Firin iyo Maamulka Sare ee Isbitaalka.

Ujeedada deeqdan lacageed ayaa ah in lagu garab istaago wajiga koowaad ee dhismaha xarunta gargaarka degdega ah ee isbitaalka Madiina. Xaruntan oo uu xariga ka jaray Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa si gaar ah loogu talagalay in lagu daryeelo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku waxyeeloobay musiibooyinkii ka dhacay Soomaaliya. .

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa booqday waaxyaha kala duwan ee isbitaalka, waxa uuna bogaadiyay adeegyada ay hay’addu dhawaan ku soo kordhisay magaalada Muqdisho, gaar ahaan u gurmashada dadkii ku waxyeeloobay qaraxii Baladweyne.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM