HirShabelle: Al-Shabaab oo qaadey weerar ismiidaamin ku bilowday

Image
Ma jiraan illo wareedyo madax-banaan oo xaqiijinaya sheegashada labada daraf.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa waxaa lagu waramay in ay weerar ku bilowday qaraxyo ismiidaamin ah ay ku ekeeyeen degaanka Daarul Nimca ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Sidda ay warsidaha Garowe Online u xaqiijiyeen illo wareeydo dhinaca nabad-gelyadda ah, iska-hor-imaad sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac soo kala gaarey dhinacyadda diriray.

Xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa baraha internet-ka ee taageera waxay ku faafiyeen in gulufkaas ay ku dileen 20 askari ayna ku gubeen laba gaari oo nooca dagaalka ah.

Saraakiisha ciidamadda Soomaaliya ayaa dhankooda waxay shaaciyeen in ay iska-caabiyeen weerarkaas ayna arkeen "meydadka 30 maleyshiyaad oo ka tirsanaa Khawaariijta".

Fahfaahino kale oo madax-banaan ayaa soo jeedinaya in saldhiga la beegsadey ay kaliya joogeen xoogaga Macawiisleyda ayna askarta dowladda faarujiyeen maalmo kahor sababo aan sharaxaad laga bixin.

Ma jiraan illo wareedyo madax-banaan oo xaqiijinaya sheegashada labada daraf. Balse, dadka degaanka waxay GO u sheegeen in ay arkeen meydadka 20 qof oo isugu jira Al-Shabaab iyo ciidanka dowladda.

"Meydadka ayaa yaallay banaanka hore ee saldhiga ciidanka oo markii dambe dadweynaha si ku meelgaar ah loogu ogolaadey kahor inta aan gabi ahaanba la kala eryin," ayay warbaahinta kasoo xigatay dadka.

Degaanka Daarul Nimca ayaa hoostaga degmadda Runil-good halkaasoo ciidamadda dowladda iyo dadka degaanka ee la baxay Macawiisleyda oo iska-dhinac dagaalamaya ay la wareegeen sanadkii lasoo dhaafay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

OIC oo si adag u diiday aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, taageerayna midnimada Soomaaliya

Sacuudi Carabiya, Masar iyo Pakistan ayaa ku tilmaamay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland mid sharci-darro ah oo halis ku ah amniga gobolka.

  • Soomaliya

    11-01-2026

  • 09:42AM

Fiqi oo ka digay qorshaha Israel ee dalka Soomaaliya 

Hadalka wasiirka ayaa daba socda xiisad ka dhalatay go’aankii Israa’iil ay 26-kii Diseembar ku aqoonsatay madax-bannaanida Somaliland.

  • Soomaliya

    11-01-2026

  • 09:14AM