Hogaamiyayaasha dalka oo isagu imaaday Dhuusamareeb

Image
Image
Image

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Madaxda Guddoomiyeyaasha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Dowlad-Goboleedka Galmudug.

Booqashadooda ayaa ku wajahneyd in ay la kulmaan Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha JFS oo hoggaaminaya howlgallada lagu ciribtirayo kooxda ‘AS’ ee ka socda Dhuusamareeb.

Kulanka ayaa intii uu socday Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu Guddiga Baarlamaanka u gudbiyay warbixin dhameystiran oo ku saabsan guulaha ay Ciidamada Dowladda iyo kuwa deegaanka ka soo hooyeen dagaalka Al-Shabaab.

Guddoomiyeyaasha labada aqal waxay ku ammaaneen Madaxweyne Xasan Sheekh doorka hoggaamineed ee uu ka qaatay dagaalka. Waxay ku nuuxnuuxsadeen in shacabka Soomaaliyeed ay leeyihiin hal cadow oo khatar ku ah jiritaankooda, ayna lagama maarmaan tahay in dalka oo dhan laga ciribtiro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM