Isku-shaan-dheyn kooban oo lagu sameeyay Golaha Wasiirada

Image
Isbedelkan ayaa yimid maalin kadib markii muran xoogan uu kasoo dhex-shaac-baxay xukuumadda.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa Sabtidii isku shaandheyn ku sameeyay Golihiisa Wasiirada, sidda uu ku dhawaaqay xafiiskiisa warfaafinta.

Xamse ayaa magacaabay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Maaliyadda, Biixi Iimaan Cige, halka Dr. Maxamed Emi Ibraahim uu u magacaabay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Saadaad Maxamed Nuur Caliyow Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Abuukar Jeylaani Sheekh ayaa loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta.

Talaabadan ayaa ka dambeysay go’aan muran badan dhaliyay oo wasiirka maaliyadda ee xilka ka degaya uu dib ugu soo celiyay mas’uuliyiin lagu eedeeyay musuq maasuq.

Go'aankan muranka dhalisay ayaa timid maalmo ka hor isku shaandheynta golaha wasiirada. Dadka la socda siyaasadda ayaa rumeysan in isku-shaandheyntan kooban ay tahay mid lagu dejinayo xaalka.

Nuur ayaa difaacay go’aankiisa isagoo digniin culus u jeediyay mas’uuliyiinta, waxa uuna u soo jeediyay in dib u soo celinta shaqada ay fursad u siinayso inay horumariyaan hab-dhaqankooda.

Sababta ka dambeysay in Nuur uu dib u soo laabto lama oga, inkastoo ay jiraan warar la isla dhexmarayo oo sheegaya in Nuur uu cadaadis kala kulmay Villa Soomaaliya taas oo aan wali la caddeyn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Elon Musk oo ku baaqey in la Xiro Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay Abuukar Baalle

Abukar Dahir Osman ayaa la wareegay madaxtinimada wareegta ah ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay 1-da Janaayo 2026.

  • Soomaliya

    02-01-2026

  • 06:54PM

Hogaamiye Al-Shabaab oo Mareykanka $5 million dul-dhigay madaxiisa oo lagu dilay Jilib 

Dowladda Federaalka ayaa mar kale adkaysay go’aankeeda ah inay sii waddo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    02-01-2026

  • 07:41AM