Iskuulada Sh Ibraahim Kaboole ee Burco oo magacii laga badalay! Maxay tahay sababtu?

Image
Image
Image

BURCO, Soomaaliya - Magaalada Burco ee gobalka Togdheer waxaa maamulka Somaliland ay ku dhawaaqeen in ay magacii ka badaleen guud ahaan iskuuladii Sh Ibraahim Kaboole isla markaana loo bixiyay Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame"Hadraawi".

Maamulka iskuulada ayaa tilaabada qaadacay iyaga oo ilaa hadda diidan u hogaansamida doonista madaxtooyada Somaliland.

Waa kuma sh Ibraahim Kaboole?

Sh Ibraahim Kaboole ayaa ahaa mid kamid ah culamada kasoo jeeda gobalka Sanaag isaga oo ku dhaqnaa Burco halkaasi oo uu ku geeriyooday ayna ilaa maanta ka muuqato raadadkiisi fidinta diinta islaamka.

Maxaa keenay tilaabada?

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo kusoo jabay colaada Laascaanood isla markaana laga soo saaray gobalka Sool ciidankiisi ayaa si uu isaga leexiyo indhaha bulshada waxaa uu amray tilaabadan wasiirka Waxbarashada.

Tan ayaa lagu tilmaamay Faquuq iyo mid bulshada soomaalida kala dhex dhigi doonta mahadho aan dhamaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM