Jubaland oo gacanta ku dhigtay Askar doonayay in hubka dowladda ay ka iibiyaan AS

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka dowlad goboleedka Jubbaland, ayaa gacanta ku soo dhigtay laba askari oo ku kacay qiyaano qaran, kadib markii ay isku dayeen inay hubkooda iyo agabka Dowladda ku wareejiyaan Kooxda ‘AS’.

Maanta ayay hay’addu soo bandhigtay Cabdifataax Nuur Cabdullaahi iyo Xasan Cabdulaahi Maxamed, kuwaas oo qaatay qalab ciidan oo ay isku dayeen in ay ka iibiyaan AS, sida lagu sheegay war lagu daabacay warbaahinta dowladda.

Eedeysanaha ayaa la soo xiriiray xubno ka tirsan kooxda ka hor inta aysan ka ambabixin magaalada Kismaayo iyaga oo ku wajaahan degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

Labadan askari ayaa AS ka helay balan qaad ah in qalabkan ay ku iibsanayaan lacag dhan 20,000$, si nabad ahna ay ugu fasaxi doonaan inay ka gudbaan dhulka ay kooxdu maamusho.

Ugu dambayntiina waxa ay gacanta u galeen dawladda oo iyadu wali ku guda jirta baadhitaanka dhacdadan, isla markaana ay qaadayso tallaabo kasta oo lagula xisaabtamayo labada askari ee falkaas geystay. Sida ay dowladdu sheegtay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka digay qorshaha Israel ka damacsan tahay Somaliland

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Muqdisho ay la xiriirtay bulshada caalamka, oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 12:41PM

Xasan Sheekh oo u safraya Saudi Arabia xilli ay isbeddelayaan xulafada Soomaaliya

Sidoo kale, booqashadan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo dowladda Soomaaliya ay si cad u taageertay mowqifka Sacuudi Carabiya.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 09:23AM