Jubaland oo sheegatay dilka in ka badan 70 Al-Shabaab ah

Image
Howlgalkan ayaa waxaa la sheegay inuu ka dhacay deegaanka Aboodin ee gobolka Jubbada Hoose.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedka Jubbaland ayaa sheegay in ay dileen in ka badan 70 ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab.

Howlgalkan ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka Aboodin ee gobolka Jubbada Hoose, sida ay warbaahinta dowladda ay kasoo xigatay saraakiil aysan sheegin magacyadooda.

“In ka badan 70 dagaalameyaal iyo taliyayaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada XDS, kuwa Jubbaland iyo saaxiibada caalamiga ah ee ciidamada ka taageeraya dagaalka lagula jiro argagixisada,” ayuu yiri TV-ga dowladda Jubbaland Sabtidii.

Howlgalkan ayaa yimid kadib markii Al-Shabaab ay Khamiistii sheegtay in 33 ka tirsan ciidamada Danab oo ka tirsan ciidamada XDS ay ku dileen galbeedka magaalada Kismaayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Ma doonayno in Israa’iil noo timaaddo oo dhibaatooyin noo keento

Wuxuu tallaabada Israa’iil ku tilmaamay mid “aad u murugo leh,” isaga oo ku baaqay in la ixtiraamo sharciga caalamiga ah.

  • Soomaliya

    31-12-2025

  • 08:48PM

Dowladda Soomaaliya oo xoojisay dagaalka siyaasadeed oo ka dhanka qaar ka tirsan maamulada dalka

Su’aal ay dad badan is weydiinayaan ayaa ah sababta si gaar ah Puntland ….

  • Soomaliya

    30-12-2025

  • 06:24PM