Jubaland oo sheegatay dilka in ka badan 70 Al-Shabaab ah

Image
Howlgalkan ayaa waxaa la sheegay inuu ka dhacay deegaanka Aboodin ee gobolka Jubbada Hoose.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedka Jubbaland ayaa sheegay in ay dileen in ka badan 70 ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab.

Howlgalkan ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka Aboodin ee gobolka Jubbada Hoose, sida ay warbaahinta dowladda ay kasoo xigatay saraakiil aysan sheegin magacyadooda.

“In ka badan 70 dagaalameyaal iyo taliyayaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada XDS, kuwa Jubbaland iyo saaxiibada caalamiga ah ee ciidamada ka taageeraya dagaalka lagula jiro argagixisada,” ayuu yiri TV-ga dowladda Jubbaland Sabtidii.

Howlgalkan ayaa yimid kadib markii Al-Shabaab ay Khamiistii sheegtay in 33 ka tirsan ciidamada Danab oo ka tirsan ciidamada XDS ay ku dileen galbeedka magaalada Kismaayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM