Kala qeybsanaan ka dhalatay muddo u kordhina goleyaasha dowlada

Image
Siyaasiyiin oo qoraalo kala duwan soo saarey ayaa ka digay in xukun dheereysi laga fikiro xilligan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Sacdiyo Samatar ayaa guddi 10 xubnood ah u saaray in ay kasoo talobixiyaan wax ka badelka qodobo dastuurka ku saabsan, gaar ahaan qodobka muddo xilleedka goleyaasha dowladda.

Guddigan ayaa la siiyay muddo kooban oo maalmo ah in ay taladooda ku keenaan ka hor inta aanan baarlamaanka la horgeyn arrinkan si uu ugu codeeyo.

Waxau u guddoomiyaha sheegtay in 97 xildhibaan ay soo gudbiyeen mooshin ku saabsan in muddo xilleedka afarta sano wax laga badelo, lagana dhigo muddo shan sano ah.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in xildhibaanada ay ku kala qeybsameen qadiyaddan ayna jiraan qaar taageersan iyo tiro kale oo si weyn uga soo horjeeda mawduucan.

Siyaasiyiin xilal sarre kasoo qabtey oo caddeeyay moowqifkooda diidmada ee arrinkani ayaa ku baaqay in diiradda sidii loo dardargelin lahaa qorsheyaasha kale ee dowladda sidda dhameystirka dastuurka.

Xubnahan oo qoraalo kala duwan soo saarey ayaa ka digay in muddo kororsi laga fikiro xilligan, taasi badelkeedana waqtiga lagu bixiyo waxqabad iyo wixii loo dhaartay.

Qodobada 60-aad iyo 91-aad ee dastuurka ku meelgaarka ah ee Soomaaliya ayaa dhigaya in muddo xilleedka madaxweynaha iyo goleyasha kale ee dowladda ay noqdaan 5 sano. Hase ahaatee, waxaa haatan lagu dhaqmaa afar sano taasoo isla dastuurka dhigayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

OIC oo si adag u diiday aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, taageerayna midnimada Soomaaliya

Sacuudi Carabiya, Masar iyo Pakistan ayaa ku tilmaamay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland mid sharci-darro ah oo halis ku ah amniga gobolka.

  • Soomaliya

    11-01-2026

  • 09:42AM

Fiqi oo ka digay qorshaha Israel ee dalka Soomaaliya 

Hadalka wasiirka ayaa daba socda xiisad ka dhalatay go’aankii Israa’iil ay 26-kii Diseembar ku aqoonsatay madax-bannaanida Somaliland.

  • Soomaliya

    11-01-2026

  • 09:14AM