Khasaaro ka dhashay labo qarax oo ka dhacay Soomaaliya

Image
Al-Shabaab ayaa sheegatay mid kamid ah weeraradan oo lala eegtay xero ay joogaan ciidanka uu tababaray Turkiga.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan laba qarax oo kala duwan ayaa laga soo sheegay Soomaaliya Axadii, sidda ay Garowe Online u xaqiijiyeen illo wareedyo kala duwan.

Magaalada Muqdisho, qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay dhanka koonfureed ee magaalada, waxaana ka dhashay khasaare aan la cayimin.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka, waxaana ay xustay in ay beegsatay xero ay joogeen ciidamada uu tababaray Turkiga dileenna "60 askari".

Balse ma jiraan illo si madax-banaan u xaqiijinaya sheegashaddan.

Dhanka kale, Magaalada Ceel-waaq ee gobolka Gedo ayaa waxaa ku dhintay labo qof, labo kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii bam lagu weeraray dad shacab ah oo geed hoos fadhiya.

Dhinaca kale, dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgal cusub oo Axadii ka dhacay meel u dhow deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan lagu dilay tobonaan maleeshiyo ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Ma doonayno in Israa’iil noo timaaddo oo dhibaatooyin noo keento

Wuxuu tallaabada Israa’iil ku tilmaamay mid “aad u murugo leh,” isaga oo ku baaqay in la ixtiraamo sharciga caalamiga ah.

  • Soomaliya

    31-12-2025

  • 08:48PM

Dowladda Soomaaliya oo xoojisay dagaalka siyaasadeed oo ka dhanka qaar ka tirsan maamulada dalka

Su’aal ay dad badan is weydiinayaan ayaa ah sababta si gaar ah Puntland ….

  • Soomaliya

    30-12-2025

  • 06:24PM