Labo diyaarad oo laga hor-istaagay in ay ka dagaan Garbahaarey

Image
Talaabadan oo la sheegay in ay fuliyeen dadka degaanka ayaa waxay la xiriirtaa is-qabqabsiga siyaasadeed.

KISMAAYO, Jubaland - Labo diyaaradood oo ka baxay magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa laga hor-istaagay in ay ka degaan xarunta gobolka Gedo ee Garbahaarey. Lama soo sheegin khasaaro.

Talaabadan oo la sheegay in ay fuliyeen dadka degaanka kuwaasoo ku hubeysanaa qeybaha kala duwan ee hubka noocyadiisa ah ayaa waxay la xiriirtaa is-qabqabsiga siyaasadeed.

Warbixinta oo laga helay illo xog-ogaal ah ayaa intaas ku daraysa in mid kamid ah diyaaradahan ay la socdeen xubnaha gobalka Gedo ee dhawaan uu magacaabay Axmed Madoobe.

Gobolka Gedo ayaa mar kale asbuucii hore wajahay xaalad go'doon ah kadib markii maamulka uu go'aamiyey in aysan wax diyaarad ah kasoo dagi karin garoonka magaaladda Doolow.

Talaabadan oo markii dambe laga noqdey ayaa waxa ay ka dambeysay kadib markii mas'uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Jubaland ay isku-dayeen in ay halkaas ka dagaan.

Xayiraadan oo soo shaac-baxdey todobaadkan ayaa waxay saameyn xooggan ku yeelatay dad kala duwan oo doonayey in ay u socdaalaan gobolka kuwaasoo isugu jira shacab iyo ganacsato kuna xayiran magaalooyin ay ugu horeyso caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Sida warar lagu kalsoon yahay sheegayan, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Axmad Madoobe ayaa maalmihii la soo dhaafey kulan gaar ah ka yeeshey arimaha gobolka Gedo taas oo keentey xiisadaan siyaasadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Elon Musk oo ku baaqey in la Xiro Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay Abuukar Baalle

Abukar Dahir Osman ayaa la wareegay madaxtinimada wareegta ah ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay 1-da Janaayo 2026.

  • Soomaliya

    02-01-2026

  • 06:54PM

Hogaamiye Al-Shabaab oo Mareykanka $5 million dul-dhigay madaxiisa oo lagu dilay Jilib 

Dowladda Federaalka ayaa mar kale adkaysay go’aankeeda ah inay sii waddo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    02-01-2026

  • 07:41AM