Laftagareen: Xuska 1-da Luulyo awgeed, waa in ay gacmaha is qabsadaan

Image
Hogaamiyaha Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale waxa uu ku baaqay xoojinta dowladnimada, amniga iyo hormarka dalka.

BAYDHABO, KOONFUR GALBEED - Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagaree ayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay xuska sannad-guurada 63-aad ee ka soo wareegtay markii ay xoroobeen Gobollada Koonfureed iyo israacii labada qeybood ee Dalka, taasoo asaas u noqotay curashada Jamhuriyadda Soomaaliya.

"Waxaan shacabka Soomaaliyeed la qayb sanayaa farxadda dabbaal-degga munaasabadda 63- guurada ka soo wareegtay maalintii Gobollada Koonfureed ee dalkeennu ay xorriyadda ka qaateen Talyaaniga, isla markaana ay Woqooyi iyo Koonfur midoobeen," ayuu yiri.

Wuxuu raaciyey: "Xuska iyo weynaynta munaasabadaha xorriyaddu waxay dib inoo xusuusinayaan waddaniyaddii, Soomaali jacaylkii iyo sooyaalka halgameyaashii iyo dhaqdhaqaaqyadii gobannimo doonka, kuwaas oo dhammaantood halgan adag u soo galay soo dhicinta gobannimadeenna, waana in aynu sooyaalkooda ka qaadannaa cashar aynu ku dabbaqno nolosheenna maanta, innaga oo xoojinayna dal jacaylka, walaaltinimada iyo midnimada dhexdeenna ah.

"Maalintan qiimaha badan awgeeda waxaa leeyahay Dadka Soomaaliyeed inay Gacmaha is qabsadaan kana shaqeeyan Xoojinta Dowladnimada, Amniga iyo Hormarka Dalka," ayuu tibaaxay.

Madaxtooyadda Koonfur Galbeed ayaa intaas kusii dartey: "Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa Dadka Soomaaliyeed urajeyey inay sanadkaan sanadkiisa ay ku gaaran Nabad iyo Hormar".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM