Maamulka G/Banaadir oo sheegay sababta ka danbaysa barkacinta dad shacab ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Kadib markii dowladda hoose ee G/Banaadir ay bilaawday burburinta dhismaha Xarunta Kaasa Italia, maamulka gobolka ayaa ugu dambeyntii shaaca ka qaaday sababta arintaasi keentay.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka hadlay arrimaha la xiriiro dhulkaas oo ay leedahay dowladda Talyaaniga kuna yaalla degmada Xamarweyne.

Guddoomiyaha ayaa xaqiijiyay in burburinta dhismayaal ka jiray dhulkaasi ay ku timid codsi ka yimid dowladda Talyaaniga, isla markaana aysan jirin ganacsato ama mas’uul dowladda ka tirsan oo laga iibiyey.

Dadka ku nool Kaasa Italia ayaa dhawaan ku eedeeyey dowladda hoose ee Muqdisho in ay ka iibiyeen dhulkii ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed oo xigato la ah madaxweyne xasan sheekh, islamarkaana ay kala eryeen qoysaskii dhulkaasi degnaa.

Qoysas badan oo Soomaali ah ayaa ka faa’iideystey dhulkaas, iyagoo ka dhistay guryo, maqaayado iyo goobo ganacsi kadib burburkii dowladdii dhexe 1991-kii.

Dhinca kale, maamulka Talyaaniga ayaa doonaya in dhulkaas dib loo soo celiyo si ay uga faa’iideystaan, isla markaana ay uga dhistaan mashaariic dhaqaalaha dalka kor u qaadaya oo faa’iido u leh muwaadiniinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirro ka soo jeeda Koonfur Galbeed oo is-casilay, xiisad siyaasadeed oo cirka isku shareertay

Sidoo kale, wuxuu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay hakisay doorashooyinka maamulka tan iyo 2022.

  • Soomaliya

    20-03-2026

  • 09:05PM

Halkee marayaa cadaadiska Dowladda Federaalka ku hayso ATMIS iyo diidmada Lafta-Gareen?

Wararka laga helayo ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in kulan u dhexmarey taliye sare oo…

  • Soomaliya

    19-03-2026

  • 04:40PM