Maamulka Jubaland oo isku xiray nabad-gelyada iyo waddooyinka

Image
Talaabadan ayaa looga jawaabayaa dhaqanka Al-Shabaab ee ah in ay miinooyin galiso waddooyinka.

KISMAAYO, Jubaland - Mid ka mid ah qorshaha la dagaalanka Al-Shabaab ee Jubbaland ayaa laga dhigay in la jeexo waddooyinka u dhaxeeya Kismaayo iyo degmooyinka ku xeeran, waxaana hadda meel wanaagsan maraysa waddo 120 KM ah oo isku xirtay Kismaayo iyo Afmadoow.

Arrintan ayaa looga jawaabayaa dhaqanka Al-Shabaab ee ah in ay miinooyin galiso waddooyinka, taasina ay ku waxyeeloobaan ciidamada gaadiidka saaran iyo shacabkaba.

Balse waddooyinka hadda la qardaynayo ayaa Al-Shabaab ku adkayn doona in ay ku dhuuntaan meel aanan wadada ka fogeyn maadaama masaafo aad u durugsan oo wadada hareeraheeda ah dhirta laga jarayo.

Waddooyinka ma ahan laami, mana ahan jay, balse waa kaliya waddooyin dhirta laga jarayo, la simayo, la duugayo godadka, laguna shubayo ciid adag.

Marka laga tago arrinta amniga, tani waxa ay faa’iido weyn u tahay shacabka ku dhaqan degmooyinka Kismaayo ku xeeran oo muddo dheer dhib ku haysay waddo la’aanta, gaar ahaan xilliyada roobka oo wadada ay xiranto.

Shir ay yeesheen Golaha Wasiiradda Jubbaland maalinkii qamiista, ayaa looga wada hadlay waddooyinka la dhisayo, kuwaas oo ay qeyb ka yihiin waddooyin laga dhisayo Kismaayo gudaheeda oo laami ah, kuwaad oo heer biloow ah maraya, beesha caalamkana ay maalgalisay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

OIC oo si adag u diiday aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, taageerayna midnimada Soomaaliya

Sacuudi Carabiya, Masar iyo Pakistan ayaa ku tilmaamay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland mid sharci-darro ah oo halis ku ah amniga gobolka.

  • Soomaliya

    11-01-2026

  • 09:42AM

Fiqi oo ka digay qorshaha Israel ee dalka Soomaaliya 

Hadalka wasiirka ayaa daba socda xiisad ka dhalatay go’aankii Israa’iil ay 26-kii Diseembar ku aqoonsatay madax-bannaanida Somaliland.

  • Soomaliya

    11-01-2026

  • 09:14AM