Macalimuu: Cidna ma diidi karto in Gedo ay xukunto Jubaland

Image
Guddoomiyihii hore ee gobolka Gedo ayaa maanta dib ugu laabtey Garbahaarey kadib 7 bilood uu Muqdisho ku xayirnaa. [Photo: Radio Gedo]

GARBAHAAREY, Jubaland - Guddoomiyihii hore ee gobolka Gedo oo maanta dib ugu laabtey Garbahaarey kadib todoba bilood oo maamulka Farmaajo ugu xayirnaa Muqdisho ayaa eedeeyay Villa Soomaaliya.

Cusmaan Macalimuu oo Sabtida maanta ah ka duulay Muqdisho ayaa asbuucii hore loo diidey in uu kasoo baxo caasimada. Talabaadaas waxay galaafatay laba sarkaal awood badan oo sirdoonka kamid ahaa.

"Ninkii aan u dirinay [Farmaajo] ayaa todoba bilood nagu xiray Muqdisho. Ninkii aan la diririnay [Axmed Madoobe] ayaa naga soo fakiyey. Hadda soo ma dhihi karno Axmed ayaa islaam ah," ayuu yiri.

Macalimuu oo fagaare ku yaala Garbahaarey kula hadlay taageereyaashiisa ayaa ku nuux-nuux-sadey in gobolka Gedo uu hoos-tago dowlad goboleedka Jubaland aysana jirin cid kasoo horjeesan karta.

"Waxaa loo diidaayey in aan Garbahaarey imaado waxaa la isla lahaa xabad ayuu ridayaa, Axmed Madoobe ayaa warqad u qoraayo. Axmed Madoobe tobbanka sano ee socota annaa u saxiixeyna," ayuu xusay.

Madaxweynaha waqtiga ka dhacay Farmaajo ayuu si toos ah ugu eedeeyay in uu mas'uul ka yahay jahwareerka bilihii u dambeeyay gobolka wajahay "isaga oo kaliya doonayay in uu qaato kuraasta labadda aqal".

"Kulane jiis kaligiis ma dhiman 16 Xildhibaan kale oo u qornaana way la dhinteen. Xildhibaanadii hore ma dhiman kuwaas waa naxsan yihiin waxaan leeyahay dadkiina wax ha idinka doorteen," ayuu raaciyey.

Villa Soomaaliya oo dagaal ka riday gobolkan ku yaala xuduudka Kenya ayaa sidoo kale waxay fashilisay shirar badan kaliya si sharci-dejiyeyaasha lagu dooranayo Gedo u noqdaan kuwa codkooda siinaya Farmaajo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka Soomaaliya oo diiday jadwalka doorashooyinka 2027, kuna tilmaamay hannaan hal dhinac ah

Sida ku cad jadwalka uu guddigu shaaciyay, doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ayaa la qaban doonaa 15-ka Abriil 2027.

  • Soomaliya

    15-10-2026

  • 12:20PM

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM