Madaxda DF oo lagu eedeeyay in ay ku lug-leeyihiin khilaafka labada Aqal

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madasha Xisbiyadda Qaran oo taageertay falcelintii Aqalka Sarre ee xeerarka doorashooyinka ayaa sheegtay in madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ay "ku lug-leeyihiin khilaafka guddoonka labadal Aqal".

Senate-ka Soomaaliya oo 24-kii bishaan June shaaciyey in la bedelay nuquladii saxda ahaa ee afarta xeer doorasho ee loo qaybiyey Golaha Shacabka ayaa ka digay dhibaato ka dhalan karta "hadii qaabkaas lagu meelmariyo xeerarkaas".

War-saxaafadeed kasoo baxay Madasha Xisbiyada Qaran ayaa ku dhaliilay hogaanka dowlada federaalka in ay ku guuldareysteen in ay caddeeyaan hadii doorashooyinka loo qorsheeyay 2020-21 ay waqtigooda ku dhacayaan.

Sidda laga soo xigtay bayaanka oo uu arkay warsidaha Garowe Online, "waxaa muuqanaya ifafaale tilmaamaya" in madaxda ay lug ku leeyihiin khilaafka gudoonka labada Aqal ee ku saabsan xeerarkan muhiimka u ah coddeynta soo aadan.

"Ugu dambeyntii, madashu waxay u aragtaa in waxyaabaha dhacaya oo dhan ay tahay waqti lumis loogu gogol xaarayo muddo kororsiga xil-heynta hay'addaha dastuuriga ee dalka," ayaa la raaciyey qoraalka soo baxay Jimcada maanta ah.

Dib-u-dhac ku yimaadda doorashooyinka dalka oo muhiim u ah xasiloonida siyaasada, nabad-gelyada iyo kala dambeynta ayay ka dhawaajiyeen in ay ka digayaan.

Gunaanudkii, madaxa fadhisa Villa Soomaaliya ayay ugu baaqeen in uu joojiyaan cagajiidka iyo waqti lumiska isla markaana ka shaqeeyaan sidii heshiis mideysan looga gaari lahaa in aysan waqtigeeda dhaafin cod-bixinta shaki ku jiro ee 2020-21.

WAR-SAXAAFADEEDKA

Image may contain: text

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo qabanaya Shir kadib markii Golaha Wadatashiga Qaran u bedelay Xisbi

Shirka la filayo inuu dhaco 15-ka Juun ayaa loo arkaa inuu yahay isku day Villa Soomaaliya ay dib ugu raadineyso sharciyad siyaasadeed.

  • Soomaliya

    01-06-2025

  • 11:51AM

Mahad Salaad oo Dib Loogu Magacaabay Agaasimaha NISA, Qorshaha Villa Somalia oo Hirgalay

Magacaabista Mahad Salaad ayaa timid xilli uu jiray warbixin hore…

  • Soomaliya

    01-06-2025

  • 08:21AM