Madaxda IGAD oo ka shiray dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

Image
Is-aragan waxa uu kusoo beegmayaa xilli dib-u-dhac kale uu ku yimid wajiga labaad ee gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab kaas oo abaabulkiisa socdo.

MUQDISHO, Soomaaliya - Haamiyeyaasha urur goboleedka IGAD oo ku kulmay Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa ka wada hadlay arrimo xasaasi ah oo ku saabsan nabadda, amniga iyo horumarinta gobolka oo ay ka mid yihiin colaadda Sudan iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee Soomaaliya.

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeybgalaye shir madaxeedkan halkaas uu kusoo bandhigay qorshaha dowladiisa. Is-aragan waxa uu kusoo beegmayaa xilli dib-u-dhac kale uu ku yimid wajiga labaad ee gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab kaas oo abaabulkiisa socdo.

Khuburada ammaanka ayaa dardarta cusub ee kooxda ay lasoo baxdey ay ka dhigan tahay in ay dooneyso in ay ka faa'iideysato hakadka ku yimaadey cadaadiska ay kala kulmayeen howlgaladda.

Dabayaaqadii todobaadkii hore, caasimadda Soomaaliya waxaa ruxay qaraxyo is xigxigay iyo rasaas kadib markii dabley Al-Shabaab ah ay galeen hoteelka Pearl Beach ee ku yaalla xeebta Liido.

Qabsashadda hoteelka, oo ah dhacdo naxdin leh, ayaa ahayd falkii ugu horreysay tan iyo bishii Nov, 2022, markaasoo ay Al-shabaab weerareen Hotel Villa Rays oo waxyar u jira madaxtooyada.

Si kastaba ha ahaatee, bishii Febraayo 2023, waxay sidoo kale qabsadeen guri uu ka degan yahay sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada milateriga, kaasoo sidoo kale martigelinayay xubno ka tirsan Macawisley.

Axadii todobaadkan ayay Shabaabku isku dayeen in ay Muqdisho ku dilaan sarkaal sare oo ka tirsan booliska oo gaarigiisa loogu xiray walxaha qarxa ee meelaha fog laga hago.

Qaraxaas ayaa yimid todobaad un kadib markii qarax kan la mid ah uu magaalada ka dhacay kaas oo lala beegsaday sarkaal ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo ilaaladiisa gaarka ah.

Dilalka qorsheysan ee loo adeegsado walxaha qarxa (IED) waa xeelad taariikhi ah oo ay caan ku yihiin kooxaha jihaad-aloosyaasha ah waxaana inta badan ay ka dhacaan magaaladda Muqdisho.

Weerada iyo qaraxyadda todobaadka ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale waxay imaanayaan kadib weeraro waaweyn oo xiriir ah oo lagu qaaday saldhigyada ciidamada Soomaaliya oo dhan.

Dabayaaqadii todobaadkii hore ayay ahayd markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ciidamadda Itoobiya ku leeyihiin degmada Doolow ee koonfurta gobolka Gedo halkaas oo ah khasaaro badan ay ka dhasheen kuwaas oo soo kala gaara dad shacab ah, saraakiisl iyo mas'uuliyiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo Saraakiil Ciidan kula shiray Baydhabo

Shirka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga iyo isku-duwidda hay’adaha amniga si loo xaqiijiyo nabadgelyo waarta.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:55AM

Dowladda oo billowday bixinta kaararka codbixinta doorashada xili uu jira khilaaf

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ku adkaystay in doorashadu ay dhici doonto waqtigeeda.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:04AM