Madaxda Soomaaliya oo u hambalyeysay Recep Tayyip Erdogan

Image
Dadweynaha Turkiga ayaa Erdogan u doortey in uu dalkaas hogaamiyo shanta sano soo aadan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dadweynaha Turkiga ayaa doortey madaxweynaha xiga ee waddankaas waxaana noqdey Recep Tayyip Erdogan oo codadka la tiriyey ka helay 52.21%, sidda ay muujineyso natiijo horudhac ah.

Murashaxii la tartamay ee Kemal Kilicdaroglu uu hantay 47.79%, sidda uu ku dhawaaqay guddiga maamulay coddeyntan oo ay soo xigatay warbaahinta ku hadasha afka dowladda.

Hambalyo ka kala imaaneysa madaxda caalamka ayaa qabsatay warbaahinta kadib guusha Erdogan, waxaana ay u rajeeyeen in shanta sano soo aadan uu dalkan ku hogaamiyo nabad iyo barwaaqo.

Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xamse Cabdi Barre ayaa kamid ah hogaamiyeyaasha caalamka ee u tahniyadeeyay Erdogan kadib markii lagu dhawaaqay guushiisa.

Telefishinka ku hadla afka dowladda oo soo xigtay Xasan Sheekh ayaa baahiyey: "Waxaan u hambalyeynayaa walaalkeey Madaxweyne Reccep Tayyip Erdogan, guusha taariikhiga ah ee uu ka gaaray doorashadii ka dhacday dalka Turkiga. Waxaan u rajeynayaa shacabka iyo dowladdaa aan walaalaha nahay ee Turkiga in ay xoojiyaan midnimadooda iyo horumarka ballaaran ee xowliga ah ee ay ku tallaabsadeen sanadihii la soo dhaafay".

Qoraal kasoo baxay xafiiska Xamse ayaa lagu yiri: "Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha Türkiye Recep Tayyip Erdoğan oo mar kale ku guuleystay doorashada madaxtinimada".

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Mudane Xamsa ayaa sheegay in guusha Madaxweyne Erdoğan ay muujineyso kalsoonida iyo taageerada shacabka Turkiga ay u hayaan hoggaankiisa".

"Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu sheegay in uu rajeynayo in uu sii xoogeysto xiriirka qotada dheer ee u dhaxeeya labada waddan ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Turkiga," ayaa lagu soo gabagabeeyay war-saxaafadeedka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka iyo dowladda oo Muqdisho ku yeelanaya kulan ku saabsan arrimaha doorashooyinka

Dhinaca Golaha Mustaqbalka waxaa kulanka uga qeybgalaya xubno farsamo oo ay ku jiraan wakiillo ka socda Puntland iyo Jubbaland.

  • Soomaliya

    09-07-2026

  • 08:42AM

FBI-da Mareykanka oo Liiska Dadka Ugu Doon-doonista Badan ku Dartay Nin Soomaali ah

Kash Patel, ayaa sheegay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Fahad Maxamed Nuur uu qayb ka yahay shakhsiyaadka hay’addu ay baadigoobka weyn ugu jirto.

  • Soomaliya

    08-07-2026

  • 06:59PM