Madaxii qaraxyada Jubbooyinka ee Al-Shabaab oo la dilay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Howlgal ay maanta fuliyeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo daraawiishta Jubbaland ayaa lugu diley ku dhawaad 50 dagaalme oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Sida ay sheegtey warbaahin ku hadasha afka dowladda.

Howlgalkan ayaa maanta ka dhacay agagaarka deegaanka Weel-Maaroow oo 45-KM dhanka Bari kaga beegan degmada Afmadow. Sidoo kale ciidamada waxay burburiyeen goobo u dhow degmada Jilib oo ay ku sugan yihiin Horjoogayaasha sare ee Al-Shabaab.

Wakaaladda wararka SONNA ayaa sheegtey in howlgalkan lagu dilay madaxii maaliyadda ee deegaanka Weel-Maaroow iyo madaxii qaraxyada jubooyinka oo lagu magacaabo Farxaan iyo ku xigeenkiisii Cabdi Mahad.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada howlgalka ka qeyb galay ay gacanta ku dhigeen tiro dagaalyahano ah, hub iyo gaadiid dagaal.

Dhanka kale, Warbaahinta Al-Shabaab ayaa baahisay in weerar ismiidaamin ah ay kooxdu ku qaadday kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen ciidamo Mareykan ah.

Ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland ayaa billaabay asbuucan howlgallo ballaaran oo ay kula wareegayaan deegaannada ay Al-Shabaab kaga sugan yihiin gobolka Jubbada Hoose.

Ciidanka kumaandooska Danab ee XDS iyo Daraawiishta Jubbaland ayaa maamihii lasoo dhaafay la wareegey deegaano ku teedsan gobolka jubadda dhaxe oo xudun u ah dagaalamayaasha Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM