Madaxwayne Xasan Sheekh oo sagootiyey danjire Larry André Jr

Image
Larry André ayaa dhameysatey muddo-xileedkiisii diblumaasiyadeed ee uu ku joogay Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan saagootin ah la qaatay Danjiraha Dowladda Maraykanka ee Soomaaliya, Larry André Jr oo ay dhammaatay muddo-xileedkiisii diblumaasiyadeed ee uu ku joogay Muqdisho.

Xasan Sheekh ayaa ku bogaadiyey Larry doorka uu ka qaatay xiriirka iyo iskaashiga Labada dal, gaar ahaan gar-gaarka iyo arrimaha binu aadannimada, dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo taageerada dowladnimada Soomaaliya.

Dhankiisa, Larry André oo Xasan Sheekh uga mahad-celiyey kulankan ayaa tilmaamay sida uu ugu faraxsan yahay wada-shaqeynta ay u muujiyeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, inta uu ku guda jiray gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday.

Xasan Sheekh ayaa tilmaamay sida ay uga go’an tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed in ay xoojiyaan xiriirka iyo iskaashiga diblumaasiyadeed ee ay la leeyihiin dalalka caalamka, si danaha dadka Soomaaliyeed loogu gaaro iskaashi iyo wax- wada-qabsi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo ka digay cawaaqibka ka dhalan kara tallaabo militari oo lagu qaado mucaaradka

Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale diiddan in doorashooyinka dalka loo wajaho hannaan aysan dhammaan dhinacyada siyaasadeed isku raacsanayn.

  • Soomaliya

    11-10-2026

  • 08:32PM

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM