Madaxweynaha oo gudoomiyay Shirka Golaha Wasiiradda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulan degdeg ah oo looga hadlay dhibaatada ka dhalatay roobabkii duufaanada watay ee ka da’ay deegaano badan oo ka tirsan dalka.

Kulanka ayaa waxaa shir guddoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxaana ka qeyb qaatay mas'uuliin ka tirsan gobolka Banaadir.

Madaxweynaha ayaa intii uu kulanka socday kula dar daarmay xubnaha Guddiga Qaran ee Gurmadka Fatahaadaha in ay sii laba jibaaraan dadaalkooda, waxaana uu uga digay dadka in ay ka fogaadaan meelaha halista ah sida marin biyoodyada.

Dhankiisa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa Golaha uga warbixiyay saameynta roobabka ka da’ay Gobolka Benaadir iyo dadaallada ay sameeyeen Maamulka Gobolka.

Dalka waxaa ka jira fatahaado baahsan oo saameeyay dad badan oo ku noolaa gobollada koonfureed, gaar ahaan Shabeellaha Dhexe, Hiiraan iyo Gedo.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka digay qorshaha Israel ka damacsan tahay Somaliland

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Muqdisho ay la xiriirtay bulshada caalamka, oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 12:41PM

Xasan Sheekh oo u safraya Saudi Arabia xilli ay isbeddelayaan xulafada Soomaaliya

Sidoo kale, booqashadan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo dowladda Soomaaliya ay si cad u taageertay mowqifka Sacuudi Carabiya.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 09:23AM