Madaxweynaha oo Jabuuti kula kulmi doono Xoghayaha Difaaca Maraykanka

Image

JABUUTI, Jabuuti - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gelinka dambe ee maanta la kulmi doono Xoghayaha Difaaca ee Mareykanka, Lloyd Austin, oo ku sugan dalka Jabuuti. 

Jeneral Austin ayaa goor hore oo maanta ah gaaray dalka Jabuuti, isagoo sheegay inuu doonayo inuu la kulmo madaxda dalkaas iyo saraakiisha difaaca.

Labada dhinac ayaa ka hadli doona xoojinta iskaashiga ka dhexeeya labada dal ee ku aaddan yoolka ay wadaagaan ee ah horumarinta xasilloonida iyo amniga Soomaaliya.

Kulankaan ayaa kusoo beegmaya xilli xasaasi ah oo dowladda Soomaaliya ay sii wadato dagaalka ay kula jirto kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM