Madaxweynaha oo markii ugu horeysay ka hadlay weerarkii Cowsweyne

Image
SAWIR HORE

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Shir-jaraa’id kaga hadlay maanta dhaliilaha ka dhashay weerarkii Cowsweyne ee dhacay 26-kii bishan.

Madaxweynaha ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in la kala saaro wixii goob dagaaal ka dhacay iyo dagaalka guud ee Al-Shabaab lagula jiro. Waxa uu sidoo kale xaqiijiyay in al-Shabaab ay ka been sheegtay tirada askarta lagu dilay weerarka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in al-Shabaab ay xabaal wadareedyo ku aaseen 190 xubnood oo kooxda ka tirsan, waxayna sidoo ka takhaluseen dhaawacyadoodii maadaama aysan laheyn isbitaalo ay ku daweeyaan.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in ‘AS’ ay isku geeyeen sawirro been abuur ah oo ay ku baahiyeen baraha bulshada, si ay xaqiiqada uga been sheegaan, Madaxweynaha ayaa se qiray in askar looga dilay weerarka.

Waxa uu intaasi ku daray in la gaaray xilligii la abaal-marin lahaa ciidanka, isla markaana lala xisaabtami lahaa kuwa mas’uuliyadoodii dayacay, wuxuuna caddeeyay in cid kasta oo carqaladaynaysa ciidanka aysan waxba uga duwanayn ‘AS’.

Waxa uu kale oo sheegay: “Waxaa la jooga waqtigii lala xisaabtami lahaa kuwa awoodda ciidan oo la siiyay ku takrifalay, khiaanadana sameeyay.”

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntii bogaadiyay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, isagoo carabka ku adkeeyay inay heli doonaan xuquuqdooda oo dhameystiran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hogaamiye Al-Shabaab oo Mareykanka $5 million dul-dhigay madaxiisa oo lagu dilay Jilib 

Dowladda Federaalka ayaa mar kale adkaysay go’aankeeda ah inay sii waddo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    02-01-2026

  • 07:41AM

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka digay qorshaha Israel ka damacsan tahay Somaliland

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Muqdisho ay la xiriirtay bulshada caalamka, oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 12:41PM