Hogaamiyaha “SSC-Khatamo” oo reer Sool kala hadlay midnimada Soomaaliyeed

Image
SAWIR HORE

LAASCAANO, Soomaaliya - Hogaamiyaha SSC Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw-cali Firdhiye oo taageerayaashiisa kula hadlay duleedka magaalada Laascaanood ayaa ka warbixiyay guushii ay maanta ka gaareen dagaalkii Goojacade.

Hogaamiyaha ayaa ugu hambalyeeyay shacabka ku dhaqan gobolka Sool guulaha la gaaray, isagoo sidoo kale ku ammaanay doorkii ay ka qaateen iyo garab istaagii ay muuujiyeen tan iyo markii uu curtay Kacaanka Buluugga ah.

Cabdiqaadir Axmed Aw-cali Firdhiyeayaa ku nuux-nuuxsaday muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo midnimada qaranka, isagoo carabka ku adkeeyay in waxa maanta lagu guuleystay ay tahay midnimada Soomaaliyeed.

Firdhiyeayaa ayaa sidoo kale uga mahadceliyey dowladda federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha caalamiga ah sida ay u cambaareeyeen weerarkii waxashnimada ahaa ee ay Somaliland ku xasuuqday dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Sidoo kale waxa uu ugu baaqay dowladda Soomaaliya in ay gacan siiso shacabka reer Sool oo ay u fidiso adeegyada dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Halkee marayaa cadaadiska Dowladda Federaalka ku hayso ATMIS iyo diidmada Lafta-Gareen?

Wararka laga helayo ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in kulan u dhexmarey taliye sare oo…

  • Soomaliya

    19-03-2026

  • 04:40PM

Laftagareen oo Baydhabo ka bilaabay kulamo ku saabsan “faragelinta” dowladda Federaalka

Madaxweynaha ayaa intaas ku daray in xiriirka u dhexeeya labada heer ee dowladda uu noqdo mid ku dhisan ixtiraam iyo wada-tashi dhab ah.

  • Soomaliya

    19-03-2026

  • 12:28PM