Hogaamiyaha “SSC-Khatamo” oo reer Sool kala hadlay midnimada Soomaaliyeed

Image
SAWIR HORE

LAASCAANO, Soomaaliya - Hogaamiyaha SSC Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw-cali Firdhiye oo taageerayaashiisa kula hadlay duleedka magaalada Laascaanood ayaa ka warbixiyay guushii ay maanta ka gaareen dagaalkii Goojacade.

Hogaamiyaha ayaa ugu hambalyeeyay shacabka ku dhaqan gobolka Sool guulaha la gaaray, isagoo sidoo kale ku ammaanay doorkii ay ka qaateen iyo garab istaagii ay muuujiyeen tan iyo markii uu curtay Kacaanka Buluugga ah.

Cabdiqaadir Axmed Aw-cali Firdhiyeayaa ku nuux-nuuxsaday muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo midnimada qaranka, isagoo carabka ku adkeeyay in waxa maanta lagu guuleystay ay tahay midnimada Soomaaliyeed.

Firdhiyeayaa ayaa sidoo kale uga mahadceliyey dowladda federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha caalamiga ah sida ay u cambaareeyeen weerarkii waxashnimada ahaa ee ay Somaliland ku xasuuqday dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Sidoo kale waxa uu ugu baaqay dowladda Soomaaliya in ay gacan siiso shacabka reer Sool oo ay u fidiso adeegyada dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hogaamiye Al-Shabaab oo Mareykanka $5 million dul-dhigay madaxiisa oo lagu dilay Jilib 

Dowladda Federaalka ayaa mar kale adkaysay go’aankeeda ah inay sii waddo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    02-01-2026

  • 07:41AM

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka digay qorshaha Israel ka damacsan tahay Somaliland

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Muqdisho ay la xiriirtay bulshada caalamka, oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 12:41PM