"Madaxweynaha TikTok" oo ka soo horjeestay amar ay dowladdu soo saartay

Image
SAWIR HORE

MUQDISHO, Soomaaliya - Bilaal Bulshaawi oo caan ka ah barta TikTok, ayaa wareysi uu bixiyay maanta ku sheegay in uu iska diiday go’aanka dowladda Soomaaliya ay ku mamnuucday TikTok, laga bilaabo 24-kii bishan.

Bilaal waxa uu carabka ku adkeeyay in TikTok ay la mid tahay dhamaan baraha kale ee bulshada ku wada xiriirto, isaga oo sheegay in waxa lagu daabaco TikTok-na loo gudbiyo Facebook, YouTube iyo baraha kale.

Bilaal ayaa sheegay in dowladdu aysan qiimeynin faa’iidada uu bulshada u leeyahay TikTok, balse ay go’aankeeda ka qaadatay hadal suuqeedka laga wareejinayo.

Bilaal ayaa sidoo kale xusay in TikTok laga helo faa’iidooyin badan, maadaama lagu kasbado dhaqaale, dhalinyaradana shaqo ka heleen.

Isagoo ka hadlaya saamaynta togan ee TikTok, Bilaal wuxuu yiri:

“Waxaan ku wareejinay deeq raashin ah gobolada Gedo iyo Galgaduud, si loo caawiyo qoysas badan oo ay saameeyeen abaaraha”.

Waxa uu sidoo kale sheegay in dowladdu aysan mamnuuci karin TikTok, waxa kaliya oo ay sameyn karaana ay tahay in shirkadaha gaarka loo leeyahay ay ka codsadaan in la xiro.

Isagoo ku nuux-nuux saday inuu sii wadi doono adeegsiga Tik Tok xitaa haddii la mamnuuco.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM