Madaxweyne Deni oo jeediyay Khudbad kicin ah

Image

GAROWE, Soomaaliya - Madaxweynaha Puntland ee Xil-hayntiisa Dastuuriga ah ay bilooyinka ka hareen, Siciid Cabdulaahi Deni ayaa ka qeyb galay munaasabad uu xilka kula wareegayay Taliyaha uu dhawaan u magacaabay ciidanka Daraawiishta, Aadan Cabdi Xaashi.

Deni oo khudbad ka jeediyay ayaa ayaa markii ugu horaysay soo hadal qaaday dagaalki Garowe ka dhacay 20 June 2023 isaga oo ku faanay in uu ahaa mid dowladnimada lagu difaacayay.

"Wixii Garowe ka dhacay waxay ahayd in dowladnimada la difaaco oo Hay'adaheedu ay shaqeeyaan" ayuu yiri.

Dhanka kale waxaa uu tilmaamay in uu la qabo walaaca xaaladda Puntland ay ka qabaan waxgaradka iyo siyiisiyiintu isaga oo sheegay in uu uga walaac badan yahay laakiin ay tahay sida uu hadalka u dhigay in la qabto dad uu ugu yeeray kuwa Dowladnimada diidan.

"Ma jirto wax kala guur la dhaho dowladaha maba dhacaan oo Itoobiya ayaa kamid ah". Tan ayaa noqotay mid muujinaysa hab fikirka madaxweynaha Xil-hayntiisa Dastuuriga ah ay ku egtahay 08 Jan 2024 ee ku aadan in uusan banayn hogaanka Puntland isla markaana uu ka tusaale qaato dowladda Itoobiya oo inta badan ay ka talin jireen hogaamiyayaal ciidan oo tobanaan sano xukunka hayn jiray inta badan hal xisbi ay ka jireen dalkaasi.

Mucaaradka Deni ayaa dhawaan warbaahinta u sheegay in qorshaha Deni uu yahay Isaga oo isla Deni la tartamaya balse tusaale qaadashadiisa maanta ayaa cadaysay eedii mucaaradka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka digay qorshaha Israel ka damacsan tahay Somaliland

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Muqdisho ay la xiriirtay bulshada caalamka, oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 12:41PM

Xasan Sheekh oo u safraya Saudi Arabia xilli ay isbeddelayaan xulafada Soomaaliya

Sidoo kale, booqashadan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo dowladda Soomaaliya ay si cad u taageertay mowqifka Sacuudi Carabiya.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 09:23AM