Madaxweyne hore Shariif Axmed oo ka hadlay Qaraxii Laas Gacmay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ka warbixiyay sida ay uga go’an tahay Ummadda Soomaaliyeed inay iska caabiso kooxda xagjirka ah ee ‘AS’, isagoo tusaale usoo qaatay dhacdo dhawaan labo wiil oo dhalinyaro ah ay ku nafwaayeen qarax ka dhacay gobolka Mudug.

Wuxuu ku ammaanay saraakiishaas naf hurida ay u hureen sidii ay u difaaci lahaayeen madaxdii ay la socdeen, isagoo hoosta ka xariiqay sida hagar la’aanta ah ee ay ku garteen inay kaga hortagaan ‘AS’ fulinta weerarkooda.

Madaweynaha ayaa Sheegay In Labadan sarkaal ay heysteen fursado ay ku baxsadaan, balse waxay ka doorbideen in si fool-ka-fool ah uga hortagaan khatarta, iyagoo muujinaya geesinimo.

Shariif Sheekh Axmed ayaa ku celceliyay go’aanka ay Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Galmudug ka gaareen in ay sii wadi doonaan howlgallada wadajirka ah ee ka dhanka ah AS, isagoo ku nuux-nuux saday in dadaalladaas aysan ka leexan doonin weerarada iyo qaraxyada joogtada ah ee kooxdan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM