Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kismaayo soo gaaray

Image
Xasan Sheekh ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Jubbaland

Kismaayo, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow soo gaaray magaalada Kismaayo ee Xarunta Kumeel-gaarka ah ee Jubbaland.

Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Madaxweyne ku xigeenka, Xubno ka tirsan Xukuumadda Jubbaland iyo boqolaal ka mid ah dadka deegaanka.

Booqashada Madaxweynaha ayaa daaran qabsashada deegaannada ku jira gacanta ‘AS’, horumarinta hannaanka Federaaleynta iyo u kuur gelidda xalaadda nololeed ee reer Jubbaland.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muddada uu ku sugan yahay magaalada Kismaayo waxa uu kulamo la yeelan doonaa Madaxda Dowlad-Goboleedka Jubbaland iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Safarka Madaxweynaha ayaa ku soo aadaya xilli dalka uu galay marxalad xasaasi ah, kadib markii Baarlamaanka uu furay Dastuurka, waxaana tallaabadan ka soo horjeestay Maamulka Puntland, Siyaasiyiin iyo Madax hore.

Dadka u dhuun-daloola siyaasadda dalka ayaa rumeysan in booqashada madaxweynaha ee Kismaayo uu ka tarjumayo is-maandhaaf keeni kara in dalka uu sii kala fogaado, xilli ay soo baxayaan dhawaaqyada mucaaradka oo ka cabsi qaba in talada dowladda ay ku ekaato Federaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamo mucaarad ku ah Lafta-Gareen oo la wareegay Qansaxdheere 

Xaaladda Qansaxdheere ayaa weli ah mid kacsan, waxaana jira cabsi xooggan oo ay dadka rayidka ah ka qabaan in markale uu dagaalku dib u qarxo.

  • Soomaliya

    14-03-2026

  • 02:11PM

Qarax khasaare u geystay ciidanka difaaca Puntland oo ka dhacay gobolka Bari

Weerarkan ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii kordhayso walaaca laga qabo habsami u socodka hawlgallada Puntland.

  • Soomaliya

    13-03-2026

  • 07:10PM