Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Madaxwaynaha Golaha Midowga Yurub

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Brussels kula kulmay Madaxwaynaha Golaha Midowga Yurub Mudane Charles Michel, sida lagu shaaciyay Warbaahinta Dowladda.

Labada masuul ayaa isla soo qaaday arrimo ay ka mid yihiin dadaallada ay Dowladda Soomaaliya ugu jirto ciribtirka “AS’ iyo iskaashiga Midowga Yurub iyo Soomaaliya ee dhinacyada amniga, geeddi-socodka dowlad-dhiska iyo horumarinta kaabayaasha dhaqan-dhaqaale ee bulshada.

Madaxweynaha ayaa ka qeyb galaya shir ay isugu imaanayaan madaxda caalamka oo looga hadlayo iskaashiga dalalka Midowga Yurub iyo dalalka soo koraya sida uu sheegay Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Cabdulqaadir Cali Dige.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale shirka ka jeedin doona khudbad oo uga hadlayo dadaalka dowladda Soomaaliya ay ugu jirto sidii dalka looga xoreyn lahaa Al-Shabaab iyo guulihii ay ku tilaabsatay DF mudadii la so dhaafay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka digay qorshaha Israel ka damacsan tahay Somaliland

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Muqdisho ay la xiriirtay bulshada caalamka, oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 12:41PM

Xasan Sheekh oo u safraya Saudi Arabia xilli ay isbeddelayaan xulafada Soomaaliya

Sidoo kale, booqashadan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo dowladda Soomaaliya ay si cad u taageertay mowqifka Sacuudi Carabiya.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 09:23AM