Madaxweynihii Hore ee Hirshabelle oo si kulul uga hadlay dagaalka lagula jiro ‘AS’

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, ayaa ku dhaliilay wareysii uu siiyay Warbaahinta Hanoolaato qaabka loo wado dagaalka ka dhanka ah ‘AS’.

Madaxweynihii hore ayaa sheegay in qaar ka mid ah beelaha dega dowlad goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle aysan dooneyn inay galaan dagaal ka dhan ah 'AS', isagoo ku baaqay in lala galo wada hadal si loo ogaado sababaha ka dambeeya.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale dhaliil u jeediyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Axmed Macalin Faqi, isaga uu ku tilmaamay in uu taageeray “Shaqsigii ka dambeeyay Qaraxyadii Zoobe ee Muqdisho”, iyadoo ay jiraan Beelo kale oo diyaar u ah inay wiilashooda u huraan sidii Al-Shabaab looga xorreyn lahaa dalka, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu sidoo kale eedeymo u jeediyay Wasiirka Gaashaandhigga Cabdiqaadir Nuur oo uu ku eedeeyay in uu faragelin ku hayo shaqada Ciidamada, iyo in uu Madaxweyne Xasan Sheekh u gudbayo warar been abuur ah, isla markaana uu soo saaray amaro ka qeyb qaatay in la laayo qaar ka mid ah Hogaamiyayaasha Ciidamada.

Waare waxa uu carabka ku adkeeyay in degmada Maxaas aysan noqon doonin mid xalisa dhammaan dhibaatooyinka heysta Madaxweynaha ee ku aadan dagaalka, loona baahan yahay in uu la hadlo beelaha kale ee Koonfurta ku dhaqan.

Hadalkaan ayaa kusoo aadaya xili Madaxweyne Xasan Sheekh uu degamda Maxaas u tagay sidii uu halkaasi ugu soo abaabuli lahaa ciidamo deegaanka ah oo ka qeyb qaata xorreynta Bariga Gobolka Galgaduud.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hogaamiye Al-Shabaab oo Mareykanka $5 million dul-dhigay madaxiisa oo lagu dilay Jilib 

Dowladda Federaalka ayaa mar kale adkaysay go’aankeeda ah inay sii waddo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    02-01-2026

  • 07:41AM

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka digay qorshaha Israel ka damacsan tahay Somaliland

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Muqdisho ay la xiriirtay bulshada caalamka, oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 12:41PM