Mareykanka oo difaacay duqeyntii gobolka Mudug

Image

WASHINGTON, USA - Wasaaradda gaashaandhiga Mareykanka ayaa difaacdey duqeyn ay Talaadadii todobaadkii hore ka fuliyeen Soomaaliya taasoo su'aallo ka keentay Xildhibaan Ilhaan Cumar.

Lloyd Austin, oo ah wasiirka difaaca Mareykanka, ayaa sheegay in howlgalkaas dhanka cirka ah uu ahaa mid ay ku taageerayeen xulafooda Soomaaliya oo khatar kala kulmay Al-Shabaab.

"Dhawaan waxa dhacay waxa weeye ciidamada aan iskaashiga leenahay ayaa kordhiyay howlgalladooda, waxayna dib u riixayeen Al-Shabaab," ayuu Austin u sheegay wariyeyaasha isaga la safraya ee ku sugan saldhigga ciiddamada cirka ee Alaska.

Ilhaan ayaa warqad ay u dirtay madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden waxay ku dalbatay in uu sharaxaad ka bixiyo sharciyadda iyo saameynta ka dhalatay howlgalkaas dhanka cirka ah kuna wargelisay in la baarlmaray siyaasadiisa ee howlgaladan noocaan kale ah.

Siyaasadaas oo maamulka Biden soo saarey oo hadafkeedu yahay in la yeerayo ama laga hortago waxyeelada shacabka ayaa xeerineysa in amar kasta uu duqeyn lagu fulinayo ay qasab tahay in uu ogolaanshiyaha ugu dambeeya uu ka yimaado Aqalka Cad.

Sida saxaafadda Mareykanka ay xaqiijisay, duqeyntii dhacdey Talaadadii todobaadkan fasax lagama bixin Washington. Waaxda difaaca Mareykanka waxay cuskatay "difaac nafsi". Balse, Ilhaan Cumar waxay tibaaxdey in ay tahay "qiil aan marnaba loo meel-dayi karin".

Duqeyntan oo Talaadadii ka dhacdey gobolka Mudug gaar ahaan duleedka Gaalkacyo ayaa lagu dilay in ka badan 50 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab oo ay ku jiraan saddex sarkaal ajaaniib.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo ku dhawaaqay fashilka shirkii Madaxweyne Xasan Sheekh

Intaa waxaa dheer, Madashu waxay xooga saartay muhiimadda ay leedahay in dib loo bilaabo wada-hadallada qaran.

  • Soomaliya

    14-08-2025

  • 02:41PM

Dagaal Khasaaro geystay oo ka dhacay Muqdisho [Fahfaahin]

Ciidamo ka tirsan dowladda ayaa sidoo kale la sheegay in ay dhaawacyo culus kasoo gaareen iska horimaadyada.

  • Soomaliya

    14-08-2025

  • 11:32AM