Ilhaan Cumar oo su'aallo ka keentay duqeyntii Mudug

Image
Ilhaan Cumar ayaa warqad u dirtey madaxwayne Joe Biden. [Photo: Los Angeles Times]

MUQDISHO, Soomaaliya – Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo warqad u qortey madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, ayaa ka dalbatay in uu sharaxaad ka bixiyo sharciyadda iyo ujeedada ka dambeysay weerarkii dhanka cirka ee ciidanka Ameerikaanka Talaadadii asbuucaan ka fuliyeen Soomaaliya.

Ilhaan oo asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya lagana soo doortey Minnesota kana mid ah xisbiga talada haya ee dimuqraadiga ayaa warqaddan ka kooban laba bog ku sheegtay in Aqalka Sare uu ku fashilmay balanqaadida iyo bixinta magdhow qoysaska dadkooda horey ugu waayey duqeymaha.

Sida laga soo xigtay warqaddan uu nuqul kamid ah arkay warsidaha Garowe Online, qiilka waaxda gaashaandhiga Mareykanka u sameysay duqeyntan oo ah "in ay ahayd ah mid lagu difaacayey ciidamadda Danab waa mid aan loo meel-dayi karin si loogu xadgudbo shuruucda naf rayidna loo gooyo".

"Waa muhiim in aan ogaanno in si dhib yar aan geeri ugu horseedno dhibaatada Al-Shabaab darteed," ayay Ilhaan Cumar qortey. "Sidoo kale, waa muhiim in talaabo kasta oo istiraatiijiyad ballaaran ay tahay mid ugu horeyn diiradda lagu saarayo amniga dadka Soomaaliyeed iyo xasilloonida qaranimada Soomaaliya".

Hadalka Ilhaan ayaa si gaar ah wuxuu u durayaa in duqeyntaas la fuliyey iyaddoo aan laga soo fasaxin Washington. Maamulka Biden wuxuu bedelay siyaasadii duqeymaha Afrika gaar ahaan Soomaaliya oo kalkii hore go’aan ka gaari jireen taliyeyaasha aagaga iyo taliska guud ee qaaradda ee Afrika.

Si loo yareeyo khasaaraha shacabka, maamulka Biden wuxuu dib-u-soo-celiyey siyaasadii ahayd in amarka duqeynta laga bixiyo Washington taasoo duqeynti Talaadadii oo ahayd tii ugu horeysay markii uu xafiiska uu yimid la baalmaray, waana sababta keentay in Ilhaan Cumar ay ka qaylo-dhaamiso.

Howlgalkii dhacay Talaadadii oo uu ka dambeeyay weerar kale oo Khamiistii shalay ay diyaaradaha ka fuliyeen isla gobolka Mudug waxaa taliska ciidamadda Soomaaliya sheegeen in lagu dilay in ka badan 50 dagaalame Al-Shabaab ah, wallow maleyshiyadda ay gaashaanka ku dhufatay sheegashadaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM